Posts

Xaaji Sharmaake Cali Saalax ( 1776-1861)

Image
Sharmaake, xilliga uu dhashay si saxa looma hubo se   qiyaastii waxa uu dhashay intii u dhexaysay 1770kii illaa 1780kii.   Taariikhyahannada ajaanibka ah ee wax ka qoray dhulka Soomaalidu sida Richard Burton, iyo R. Joint Daguenet midba xillli buu ku sheegaa dhalashada Sharmaake. Miyi oo uu ku dhashay, iyo xilliga uu dhashay oo diwaangelinta iyo qoridda dhalashadu yarayd ayaa u sabab ah in si saxa loo sugi waayo dhalashada Xaajiga. Meel miyi ah ayuu ku dhashay, waxa la sheegaa inuu aagga magaala xeebeedda Shalcaw ku dhashay. Shalcaw waxa ay u dhexaysaa magaalada Berbera iyo Xiis. Waxa la sheegaa inuu halkaa ku noolaa yaraantiisii illaa intii uuu gaadhayay 18 sano jir. Sifo ahaan, aftahan, deeqsi, gobonnimo, karti iyo sifooyin qaaya leh inuu lahaa Xaajigu waa la xusaa. Qoyska uu ka dhashay Sharmaake taariikh ahaan waxa ay u lahaayeen naakhuudaynta badda, iyo isaga gooshitaanka magaalo xeebeeddada ku kala yaalla badda cas, khaliijka, iyo Hindiya.   Magaalad...

Sookoobidda buugga “حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ حلية طالب العلم ~ Quruxda Ardeyga ” Waxa qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. Sannadkii   1365kii Hijrada ayuu Magaalada Dawaadami ku dhashay. Dugsigii hoose/ dhexe iyo guud ahaan waxbarashada Dugsiga ee nidaamiga ah waxa uu ku qaatay magaalada Riyaad. Ugu danbayn waxa uu ka baxay jaamacadda Madiina, gaar ahaan Kulliyadda Shareecada. Sidoo kale, Shahaadooyin Master iyo Ph.D wuu qaatay.  Sh. Bakar, waa aqoonyahan ku xeeldheer Diinta Islaamka. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sheekhii waynaa ee Cabdicasiis Ibnu Baas. Muddo badan ayuu maxkamadda weyn ee Madiina Garyaqaan ka ahaa. Masjidka Shariifka ah ee Nebiga ee Madiina ayuu isna waqti dheer macallin wax ka dhiga ahaa. Wasaaradda caddaaladdana wuu la soo shaqeeyay. Lajnada Culimada Sucuudiga, iyo Hay’adda Fatwada u qaabbilsan labadaba wuu ka soo mid noqday. Daaci, Khadiib, iyo Garyaqaan ayuu ahaa. Meelo badan oo kalana wuu ka soo sahqeeyay. ...

Xusni Mubarak: Madaxweynihii hore ee Masar

Image
Xusni Mubaarak, ayaa shalay geeriyooday AHUN. Hawlgab ayuu ahaa, oo da’ ahaan   92 gu ayuu cagacagaynayay. Xusni, waxa uu ahaa jiitaa ama keligiitaliye caan ah. Masar waxa uu xukamayay 30 sano, laga soo bilaabo sannadkii 1981kii ilaa 2011kii oo xukunka laga tuuray. Ruugcaddaa in badan siyaasadda iyo maammulka kasoo botorinayay ayuu ahaa. Waqtigaa uu Masar xukumayay aad baa loo tixgelin jiray oo madaxweynayaasha laga haybadaysto ayuu ugu horreeyay. Sannadkii  1928kii ayuu dhashay. Wuxuu ku dhashay Kafr El-Meselha. Barashada Millatariga ayuu galay, wuxuunna qaatay Kulliyada barashada Diyaaradaha. Baylood diyaaradeed ayuu muddo ahaa.   Sargaal ka tirsan Ciidamada Hawada Masar ayuu ahaa in muddo ah. waxa kale, oo uu soo noqday Abbaanduullaha Ciidamada Hawada Masar, iyo Kuxigeenka Wasaaradda gaashaandhigga Dalka Masar. Markii ay Israa’iil iyo Masar is haysteen ee xurguftu ka kacday Kanalka Suways, Xusni aad ayuu u dagaallamay, arrintaasi waxa ay ka dhigtay HALYAY qaran...

Sookoobidda buugga “ Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah?”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah” Carabi ayuu ku qoranyahay, ladhkiisuna waa “ اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك .” Waxa qoray Dr. Saajid Al Cabdali, oo ah dhakhtar caafimaad,   qoraa, iyo aqoonyahan arrimaha siyaasadda ku lug leh. Wargeysyo, jaraa’iddo, iyo mareego badan oo Internetka ah ayuu si maalinle ah wax ugu qoraa Saajid. Ururro badan, oo kuwo Diineed, iyo kuwo siyaasadeed bal eh ayuu ka soo mid ahaa. Xilal kala duwan, iyo mansabyo muunad lehna wuu ka soo qabtay. Ugu danbayn qoraa, sheekh, iyo siyaasi madaxbannaan ayuu ku danbeeyay. Buug badan, oo akhriska iyo qoraalka la xidhiidha ayuu qoray. Waxa ka mid ah “ القراءة الذكية   .” Buuggan waxa la daabacay, sannadkii 2011kii. Waxa uu ka koobanyahay 136 bog. Si guud waa sagaal Cutub, oo mawduucyo kookoobani soo hoosgalaan. Buuggan waxa uu kaga warramayaa akhriska iyo sida uu qofku noloshiisa qayb ka mid ah uga dhigi karayo. Sidoo kale, inuu q...