Posts

Warbixin kooban oo ku saabsan ‘ Bandhiggii Buugaagta Boorama’

Image
Julaay 29, 2019kii Boorama waxaa u baryay waa la wada naawilayay oo ka geddisan kuwii hore u baryi jiray. Waxaa furantay arrin culus oo aad loogu hammuun qabay. Asal ahaan magaaladu waxa weeyi magaalada aqoonta, oo caan ayay ku tahay oo qofkasta oo Boorama maqlaa wuxuu xasuustaa aqoon iyo qalin. Hadda bandhig noocan ah magaalada in marhore laga bilaabo ayay ahayd, may dhicin. Ka Sandheere ahaan, waxa aan qabaa in magaaladu mudnayd in marhore ay madalaha noocan ah ay samaysato, balse ay ka habsaantay, oo gugan 2019ka ay markii ugu horreysay ay hirgashay. Bandhigga waxaa lagu qabtay Hoteelka caanka ah ee Rays Hotel, Boorama. Waxaa qabtay oo barnaamijka hirgelintiisa iyo maalgelintiisa lahayd Al Xikma Foundation. Waxaanna la shaqaynayay dad badan oo dhallinyaro u badan. Gebigaba wuxuu ahaa barnaamij noocaa u qaabaysan oo aan wax siyaasad ah shaqo iyo shuqul toona ku lahayn. Ladhka ama mawduuca sannadkan lagu daahfurey ee la falanqaynayay wuxuu ahaa ‘ Muwaaddinnimada iyo Masuul...

Sookoobidda Buugga ‘ Writing With a Purpose’

Image
Buuggan la yidhaa ‘ Writing With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray McMrimmon. Waxa uu ka koobanyahay 446 Bogg. Waxa uu ka hadlayaa sida qofka qoraaga ahi u ilaalin lahaa ujeeddada qoraalkiisa, misana xil iskaga saari lahaa akhristuhu inuu wax la faa’ido. Muhiimadda wuxuu saarayaa in qoraagu qoraalka iska dhiso, haddii ay tahay mid afeed iyo mid qaabeedba. Sidoo kale, wuxuu aad uga dheeraanayaa in qoraagu ilaaliyo kolba halka uu marayo fahanka akhristuhu. Meelaha ugu mhiimsan ayaynnu soo koobi; Ujeeddada Qoraalka Marka aynnu ka nimaadno ujeeddooyin guud ee wax loo qoro, haddana waxaa jira in laba shay qoraagu iska dhiso, sida uu ku doodayo Qoraa McMrimmon, sida uu buuggiisa ‘ Writing with a Purpose’ uu ku qoray ‘ Laba xidhiidh ayaa muquunin ku leh, qaabka uu wax u qorayo qoraagu, midi waxa ay u dhexaysaa qoraaga iyo maaddaba ama waxa uu wax k qorayo. Ta kalan, waxa ay u dhexaysaa qoraaga iyo akhristaha uu wax u qorayo....

Falanqeynta Buugga ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda.’

Image
Buuggan ladhkiisa la yidhaa ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda ’ waxa uu si guud ka hadlayaa habka wanaagsan ee doodda qofka arrin ku doodayaa uu u soo bandhigi karo, isaga oo aan ka tagayn dhaqanka bisaylka ah ee dooddu leedahay. Inta badan in qofku wax cariyo ayay qabtaa gabadha qoraayaddu. Sidoo kale, waxa ay aad ugu dheeraanayaa faa’idada iyo eesha ay u leedahay dooddu qofka doodaya iyo ka uu la doodayaba. Waxaa qortay Nancy V. Wood oo noolayd intii u dhexaysay (Juun 20, 1936 – Maarij 12, 2013), oo ahayd Qoraa, Abwaan iyo Sawirqaade Maraykan ah. Waxa ay aad ugu caan ahayd qoridda sheekooyinka gaar ahaan, iyo qoridda qoraallada aqooneed guud ahaan. Hadda mawdduucan doodda ku saabsan kan keli ah kuma madi ahee waxaa jiraa buugaag badan oo ay ka qortay ‘ Doodda.’ Buugtaa waxaa ka mid ah; ‘ Perspectives on Argument, iyo Writing Argumentative Essay’ oo isla mawdduucan hadda buuggani daaranyahay la xidhiidha. Nancy, buuggan waxa ay qortay sannadkii 2005tii. Buuggu wuxu...

Sookoobidda iyo Faallaynta Buugga ‘ The Suicidal State in Somalia ~ Qarankii Isqudhgooyay ee Soomaaliya’

Image
                Hordhac Buuggan waxaa la yidhaa ‘ The Suicidal State in Somalia’ oo haddii aynnu Af Soomaali u rogno noqonaya ‘ Qarankii isqudhgooyay ee Soomaaliya.’ Cinwaan hoosaadkiisuna waa “ The rise and fall of Siad Barre Regime, 1969-1991~ Soo ifbixii iyo dhammaadkii Xukunkii Siyaad Barre intii u dhexaysay 1969kii illaa 1991kii.” Wuxuu ku qoranyahay luuqadda Ingiriiska. Bog ahaan waxa uu ka koobanyahay 363 Bogg. Buugga waxaa qoray Maxammed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo Jaamacadda Oxford, Shahaadada Sare ee Ph.D ka   diyaariyay. Buugga waxa uu rasmi ah u soo baxay Sannadkii 2016kii. Waxaa daabacday ‘ University Press of America.’ Daabacaad ahaan qaab wacan oo soo jiidasho iyo tayaba leh ayaa loo daabacay, qoraal ahaan si mugweyn ayaa loo qoray. Waa buug aqoonbaadhis muddo badan la waday la xidhiidha sida qoraaga laftiisu sheegay. Sidoo kale, sida qoraagu xusay 2016kii isaga oo jooga Mugdishu Book Fair, waa b...