Posts

Waa Maxay Caqiido Iyo Iimaan?

Image
Eraygu asal ahaan waa Af Carabi; wuxuuna ka yimid ficilka maaddi (tage) oo ah “Caqada”─macnaheegu waa marka xadhiga la gunto. Luuqo ahaan waxay noqonaysaa guntin. Sharci ahaan waxa weeyi “ Rumeynta Allah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rasuulladiisa, Maalinta Aakhiro, iyo rumeynta qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisa.” Marka sidan loo qeexo waxay isku qeexid yihiin Iimaanka. Sida lagu sheegay Kitaabka Caqiidada ee ay diyaariyeen Culimo badan. Halkan caqiido, Af Soomaali waxaa u dhawaanaya oo innoo buuxinaya Aaminaad. Oo waa wuxuu qofku aamino ee uu rumeeyo; wixii ku dhacana kaga falceliyo. Qofku wuxuu rumeysanyahay uun buu ku dhaqmaa hawadiisana ha ahaatee. Dabeecadaha Bini-aadanka ayay ka mid tahay in qofku wax rumeeyaa, wuxuu doonaba ha rumeeyee. Waayo, ma jiro adduunka qof bilaa rumeyn ahi, qofkastaa wax buu rumeysanyahay. Mid hawadiisa rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid lo’ rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid dab rumeeyay oo Ilaah ka dhigtay. Mid wax aan nooleyn rumeeyay oo Ilaah k...

Damiir Dhintay!

Image
                              Nin weyn ama gabadh weyn oo 25+ ah, ayaa soo istaagaya masrax, waxaanna la odhanayaa Taariikhnololeedkiinna (Background) ka warrama. Hadalkaba waxay ka bilaabayaan “ Hooyadey iyo Aabbahay markay isguursanayeen, hooyadey waa lagu qasbay Aabbahay… Hooyadey godob ahaan ayaa loo guursaday…. Hooyadey gudniinka fircooniga ah ayaa lagu sameeyay oo runtii dhib badan ayay soo martay….. Aabbahay hooyadey wuu dili jiray.. Hooyadey markay I dhashay ayaa la furey oo 4 nin oo kale ayay guursatay, anna silic baan kala kulmay nimankaa hooyadey qabay......” Dadka noocaas u hadla ee waliba masraxyo boqol indhood horfadhiyaan lagana duubayo ka sheega, waxaan u aqaan qof aan damiirnool (Consceince Life) lahayn. Damiirkii haba lahaadee maa noola wuu hawlgabay si kale aan u dhigo ‘ wuu dhintay damiirkii!’ Qofka haddii ayna jirin wuxu...

HEERKA WAXBARASHADA DUGSIYADA EE SOOMAALILAAN

Image
In badan ayaan indhaha la raacraacayay oo aan baadhayay waxbarashoxumada iyo dhillaysiga aqoondugsiyeed ee ka jira waxbarashada Soomaalilan guud ahaan, gaara ahaanna Dugsiyada. Qaayasoor la’aant, qaabdarnaanta iyo liitadashada aqooneed ee ka muuqata waan la yaabay oo waan ka aamusi waayay. Xaalad laga aamusana ma joogto oo waxbarashadii ayaa yaabtay oo dacwoonaysa, waana la faruuray oo waalla dhiigbixiyay. Isaga oo aan dalka meel u fayoobi jirin, haddana shayga koowaad ee xayirmay ee xidhmay lugqudhana ku sii taagani waa aqoonta, haddii ayna kaba salguurin dalka. Eegay… Eegay oo 100 jeer u fiirsaday baadhay oo u dhugyeeshay waxaan ku murmay tolow ma waxbarashaa la dhigtaa mise meeshu waa goobganacsi oo loo shaqo tago?! In ay goobganacsi tahay dhinacna u dhaafin waayay. Oo tolow dadkii dalkan ka naxayay aaway? Iyagaaba horboodaya oo dadka maqaaxiyahan ku soo ootay ayaa meeldheer la iiga sheegay. Oo Wasaaraddii magaca fiicnayd ee Waxbarashada, Tarbiyada iyo Tacliinru aaway? Iyadi...

Waa Maxay SDGs?

Image
                           SDGs waxaa loo soo seemtaa Sustainable Development Goals. Haddii aan Soomaaliyayno waxa ay noqonaysaa Ujeeddooyin Horumarineed ee loo baahanyahay. Sidoo kale waxaa loo yaqaan the (Global Goals for Sustainable Development ~ Ujeeddooyinka Caalamiga ah loona baahanyahay ee Horumarineed). Waxaana Hormuud ka ah Qarammada Midoobey (United Nations). Qarammada Midoobey waxaa xoghaye guud ka ahaa Bank Moon. Isaga oo dhawr sano joogana waalla bilaabay qorshaha. Qorshahan waxaa la bilaabay January 2015;   waxaanna la dhammeeyay August 2015 . Waxaa si saxa loo daahfurey September 2015, waxaa lagu gardaadiyay magaalada New York ee  Maraykanka. Tiro ahaan waxa ay ka koobanyihiin 169 ujeeddo, duuduub ahaanna noqonaya 17 qodob─oo midkastaa muhiimaddiisa gaar ahaaneed leeyahay, una baahantahay tixgelin. Waa qorshaha la rabo in l...