Posts

Talooyin Muhiima oo Khuseeya Qofka akhriska ku cusub

Image
   1- Akhri waxa aad jeceshay, ha akhriyin waxa uun waxa laguu ammaano ee lagu yidhaahdo waa muhiim akhriskiisu, akhri mawaadiicda aad xiisayso sida  jacaylka, Falsafadda, taariikhda, horumarinta  2- Ku bilow akhriska buugta fudud, ha ku bilaabin buugta waawayn ee culculus.  3- Samayso hadafyo yaryar. 4- Naftaada ha dhibin, maalintii akhri 10 bog ama hal cutub.  5- Si joogto ah wax u akhri, se si badan ama wayn ha u akhriyin. 6- Dooro waqti ku habboon sida aroorta hore ama hurdada ka hor, sidoo kale dooro meel ku habboon.  7- Qor waxyaabaha aad ka heshid: Diiwaangeli waxa ku xiiso geliya sida fekrado ku soo jiita ama waxyaabo aad dareentid inay muhiim yihiin akhriska ka dib.  8- Ha werwerin haddii aanad waxa aad akhriyaysid wada fahmin markaas, waxa dhismaya luuqaddaada iyo fahankaaga- muhiimaddu waa joogtaynta.  9- Kala saar buugta sheekooyinka ama khiyaaliga ah iyo buugta aan sheekooyinka ahayn: Buugta sheekooyinku waxa ay ballaadhinayaan m...

Faa'idooyin laga qaadan karo buuga ' Ilme wax Akhriya' ee Dr Cabdikariin Bakaar.

Image
    - Ilmaha oo loo diido in ay ku daydo waxyaabaha ku hareeraysan waa qayb ka mid ah agoonnimadooda nafsadeed. - Ardayga aan waxba akhriyin, kama duwana qofka aan waxba akhriyi karin. -  Akhrinta buugta tayada leh macnaheedu waxa weeyi adiga oo la kulmay dad xula oo waqti hore ama waaya hore noolaa.  -Ilmaha marka la nuujinayo wuxuu u baahanyahay: Caano, xanaanaynta hooyada iyo in loo sheekeeyo.  - Aqoontu waa sidii ruux la noolaynayo camal, ma aha walxo la koobiyaynayo.  -Dadka wax hal'abuuraa intooda badan yaraantoodii waxa ay ahaayeen akhristayaal wanaagsan.  - Dal laguma tirin karo inuu ka midyahay waddamada horumaray haddii uu lacagta cuntada uu ku bixiyaa ay ka badantahay lacagta uu buugta ku bixiyay. - Barakada Akhriska waxa ka mid ah in ay qofka ku baraarujiso inuu jeclaado inuu wax qoro.  - Buugu marka uu yaallo khaanadda ( Shelf) waa sidii wax dhintay/mayd oo kale, waxa ay noloshu u bilaabantaa marka uu galo gacanta akhristaha. - Buug k...

Haddii 20yadii ku jirtid...

Image
    Waa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ku jiraa da'dii dhammaadka labaataneeyada. Waxbarashii wuu dhammeeyay, wuxuu helay shaqo iska caadiya oo dhexdhexaada. Waa qof Diin iyo akhlaaq leh. Wuxuu ku hammiyayaa inuu sameeyo guri xasilloon iyo inuu helo lammaane uu nolosha la wadaago. Wuxuu la haasaawayaa gabadh ka soo jeeda qoys sharaf leh. Balse, wiilkii waxa shuruud looga dhigayaa: - Inuu bixiyo meher badan. - Inuu xafladda ku qabto hool wayn. - Dahab badan. - iyo Guri wayn oo goglan. Qaab wanaagsan looma diidin, balse waa la niyadjebiyay, wuxuuna baxay isaga oo niyadjabsan. Goorma ayuu guurkii noqday mashruuc qofka dhabarka ka jebinaya, halkii uu ka ahaan lahaa inuu noqdo dad la dhisayo? Goorma ayuu guurkii noqday in la ismuujiyo iyo muuqaallada- halkii uu ka ahaan lahaa degganaan iyo xasillooni? Iskallifaaddan badan waxa ku burburay niyad wanaagii, dhallinyaro badanna way niyadjabeen. Aan xasuusanno; in guurku yahay cibaado, ee aanu ahayn ismuujin iyo bandhig. Guurka ugu qaalisan...

Barashada Kitaabka Qiimaha leh 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام .'

Image
   Waxa aan dib u yar eegay buugtaydii xasuusqorka sannadihii 2015-206kii. Waxa iga soo horbaxay qoraalkan oo aan ka qoray mar aan dhammeeyay Barashada Kitaabka Qiimaha leh 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام .' Kitaabku wuxuu ka mid ahaa Kutub Axaadiis ah ooTaxane ah oo aan Masaajidda ka dhigan jirnay, waxaana ka mid ahaa Kitaabka la yidhaahdo ' العمدة الاحكام ' Taxanahaasi waa kuwo u gaar ah Barashada Axaadiista oo kaliya, waxa lagu bartaa Axaadiistii Nebiga SCW ka sugnaatay. Kitaabkan Buluuqa waxa aan bilaabay 03, Maarij, 2015kii, waxaanan dhammeeyay 15 Maarij, 2016kii. Waxa aan ku dhammeeyay 1 sano iyo 12 cisho. Waxa aan ka dhegaysan jiray Memory iigu jiray Moobilladii yaryaraa oo aan filayo inuu noocii C3-ga loo yaqaannay ah. Kitaabkan 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام ' waa mid culus oo u baahan fahan badan. Inkasta oo aan Masaajidda ka marsaday, haddana waxa aan doorbiday inaan ka dhegaysto Caalim wayn oo faqiiha Sh. Cabdikariin Xasan Xoosh. Alla, sheekhu balaaqis...

Dhagxintii Soraya!

Image
  Sannadkii 1986kii waxa dhagax lagu lagu dilay haweenaydan oo la odhan jiray Soraya. Sababta loo dilay waxa ay ahad ninkeedii ayaa doonay inuu Minyaraysto, way diidday, ka dibna uxuu ku masabbiday inay gogoldhaaf samaysay! Soraya caan bay ka noqotay tuuladii lagu dhagxiyay oo dalka Iiraan ka mid ahayd iyo guud ahaan dalka Iiraan ba! Ninkeedii oo Iiraani ahaa marki uu doonay inuu minyaraysto oo gabadh kale guursado Soraya kamay yeelin! Way diiday! Haddii uu furo oo warqadda siiyo waxa laga rabaa MEHERKII Soraya oo aanu awoodin. Laba daran mid dooro ayaa la gudboonaatay ninkii Soraya qabay. Ninkii haddii uu furo meher badan baa laga rabaa, haddii uu qabana Soraya way diiday in uu la guursado! Ka dib ninkii shax kale ayuu degay, wuxuu bilaabay sidii uu nolosha u dhaafin lahaa Soraya, marka uu dilana u guursan lahaa gabadh uu rabo. Wuxuu ku soo eedeeyay in Soraya khiyaano samaysay oo gogoldhaaf samaysay! Xadka qofka guur soo maray waa in dhagax lagu dilo! Sidii baa la yeelay. Gabadhii...

Xasuus Habeeneed

Image
 Mufakarkii waynaa ee Cali Shariicati wuxuu yidhi: " Saaxiibkay ayaan ku idhi ' Muxuu Diigiinu la qaylyi waayay?' Wuxuu yidhi ' Jaarka ayaa ka soo cawday oo uu hurdada ka toosin jiray aroortii, ka dibna waan gawracnay.' ..."  Ustaad Cali Shariicati qisadan gaaban ee macnaha leh wuxuu ku ladhay murti, wuxuuna yidhi: ' Halkan waxa aan ka fahmay sida aan ku aragno sooyaalka taariikheed ee soo taxnaa in dadku ciddii hurdada wacan ee ay ku jiraan ka toosisa madaxa ka jaraan. Maantana waxa jira dad madaxa ka jaraya cidda ku qaylida ee isku dayda in ay ka toosiso hurdada wayn ee ay ku jiraan. Dadkeenna hadda noolna aad bay u hadalhayaan magaca Digaaga, aad na way u iibsadaan. Qofna ma xuso oo ma sheego magaca Diiga. Dadku waxa ay aad u jecelyihiin waxa ay cunaan ee caloosha ku buuxiyaan, kamana fekeraan waxyaabaha kor u qaadaya caqliyadooda iyo afkaartooda. Waxa aan leeyahay: ' Haddii aad rabtid in aad noolaatid waqti dheer ha noqon Diig, balse noqo Digaagad....

5 Qodob haddii aad samaysid muddo 3bilood waxaad noqon qof kale Insha Allah

Image
  Shantan qodob waa kuu muhiim, haddii aad ku dhaqantid waxa aad noqon qof cusub oo kii hore ka duwan Insha Allah. Waa kuwan qodobbadu:  1- Waa in aad wax u barataa si maalinle ah:  In aad si maalintii 30 daqiiqo wax akhridid way kugu filantahay. Buug akhri, Podcast dhegayso, ama si kale naftaada u horumari. Muddo yar ka dib waxa aad is arki iyada oo isbeddel wayn ku yimid habfekerkaaga iyo aqoontaada guud ba.  2- Maalintaada nidaami:  Aroorkasta qoro saddex arrimoood oo kuu muhiima, ka dibna saddexdaas fuli. 3- Iska shaandhee cidda kugu hareeraysan ama la xidhiidhaysid:  Ka fogow qofkasta oo saamayn taban kugu yeelanaya, ka agdhawaw dad ku dhiirrigeliya oo degganaan kugu kordhin karta. 4- Naftaada daryeel:  Hurdo fiican seexo, jimicso, qaadana waqti nasasho. Caadooyin yaryar waxa ay kaa dhigi doonaan kuwo qofkaad hore u ahayd ka duwan jidh ahaan iyo maskax ahaan ba.  5- Waxyaabo cusub tijaabi:  Bilkasta tijaabi wax cusub, tusaale ahaan luuqa...