Posts

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’

Image
   Hordhac Buugan cinwaankiisu yahay ‘ Ragga oo kaliya’ waxa cinwaan hoosaad u ah ‘ Xeerarka la dhaqanka dumarka.’ Waxa qoray Dr. Ad’ham Sharqaawi. Waxa luuqadda Af soomaaliga ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah qoraa iyo turjumaa turjumay buugaag badan oo uu ka midyahay buuga ‘ Salaad baa I dhaaftay.’ Buugu waxa uu ka warramayaa habdhaqannada lagula dhaqmayo dumarka, habfekerka dumarka iyo guud ahaan nolosha dumarka. Wuxuu qaab wanaagsan ka bixinayaa xeerarka ay tahay in raggu kula dhaqmaan dumarka. Nuxurka buuga Marka hore waxa uu qoraagu ka warramayaa abuurka labada jinsi ee ragga iyo dumarka. Wuxuu qoraagu ku bilaabayaa in sida qudha ee lagu fahmi karo mawduuca kala duwanaanshaha labada jinsi waa in loo noqdo asalkii abuurta insaanka. Eebbe SWT, wuxuu doonay in la dego meerahan aynu ku noolnahay, waana sidii dhacday oo dhoobo ayaa uu u ka uumay hummaag dada oo u uku farayaraystay, ka dibna wuxuu ku afuufay ruux. Aadan oo bashar dhammaystirana ayaa istaagaya, ha ahaatee ...

Shaqadii iigu horraysay.

Image
  Maadaama maanta tahay maalintii Shaqaalaha Adduunka (May 1), waxa aan rabaa in aan xasuustayda dib u celiyo. Shaqadaydii iigu horraysay waxa ay ahayd Macallinnimo guri ( Home teaching). Wa markii aan Quraanka xifdiyay, Dugsigana ku jiray. Baahi wayn baan u qabay, maadaama ay ugu yaraan wax ii tarayso. Lacagta aan bisha ka heli jiray $15 bay ahayd. Si kasta oo ay u yartahay, haddana wax wayn bay ii qaban jirtay.  Bilihii ugu horreeyay waxa aan ka iibsaday Khamiiskan aan xidhanahay. Waxa la iga siiyay $13, waxaanan ka toshay Dawaarle Boorama ka caan ahaa. Khamiisku wuxuu ahaa Dirays ay lahaayeen Jamciyaddii Al Huda Wal Furqaan oo ahayd urur dhallinyaro ahaa, oo aannu ku midawnay ardaydii aanu isku Maddarasadda Al Furqaan ( Xaaji Kuul) wada dhigan jirnay. Macallin dhallinyaro ahaa, oo aan waxbadan naga waynayn, se caqli badnaa ayaa hormuud noo ahaa waqtigaas. Ardaydii aanu ku wada jirnay Jamciyaddu Dirayskaas ayay soo wada tosheen, anna aniga oo xiisahaas qaba ayaan in badan k...

Muxuu Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada?

Image
  1- Alle markii uu ka warramayay Nebi Muuse Hooyadii wuxuu Suuratu Al Qasas ku yidhi: " Si ay ugu ila qabawsato, oo ayna u murugoon." -قال تعالي في سورة القصص: "كي تقر عينها ولا تحزن" 2- Alle wuxuu Suurqtu Al Axsaab ku yidhi: " Si ay indhahoodu ugu qabawsadaan, oo ayna u murugoon..." -وفي سورة الأحزاب: "أن تقر أعينهن ولا يحزنّ" 3- Alle markii uu Maryama ka warramayay wuxuu yidhi: " Waa loo dhawaaqay, waxaana loo sheegay in ayna murugoon..." -وفي سورة مريم: "فناداها من تحتها ألا تحزني" Aayadahani waxa ay ka warrmayaan in ayna murugo dareemin dumarku. Waayo, murugadu dumarka way u darantahay oo si gaara ayay dumarka u saamaysaa. Murugadu waxa ay dishaa dareenka gabadha, waxayna meesha ka saartaa quruxda gabadha, oo gabadha waxa wejigeeda ka muuqanaya awood darro iyo daciifnimo. Sidoo kale, murugadu waxa ay saamaynaysaa hoormoonnada dheddignimada ee gabadha, oo waxa suurtagala in gabadhu murugo darteed dhali waydo! Badanaa o...

Asxaabigii jacaylka u qaaday Nebi Muxammad SCW

Image
  Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka (Laa Ilaaha Illalaah, Muxammadu Rasuululaah) u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed (NNKH) Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nabi Muxammad na (NNKH) magaalada Maka ayuu ku noolaa. Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nabigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nabi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nabi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay. Markii uu Madiina waxyar joogay Nabi Muxammed (NNKH), ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nabiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qa...

Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa markii la wayddiiyay " Illaa intee in leeg baad aqoonta baranaysaa?" Wuxuu yidhi: " Illaa intaan dhimanayo."

Image
   Markii aan arkay sawirka sheekhan oo qolkii uu dhakhtarka kaga jiray u baddelay Maktabad waxaan xasuustay sannad ka hor mar aan Sheekha gurigiisa ku booqday. Wuu xanuunsanayay, oo wejigiisa waxa ka muuqday xanuun, hadalkiisana waa laga dareemayay xanuunka. Waxa aan wax ka wayddiiyay caafimaadkiisa, iyo qorshihiisa, iyo aqoonta uu maalmahan ku mashquulsanyahay. Wuxuu ii tilmaamay oo faraha iigu ishaaray Maktabaddisii, wuxuuna igu yidhi: " Waxa aan gacanta ku hayaa 15 buug, qaar aan tifaftirayo, iyo qaar aan qorayo/quraarayo oo ku hawlanahay, Alle ayaan wayddiisanayaa inuu Cimriga ii dheereeyo illaa aan buugtaa dhammaynayo. Buugtaas waxa ka mid ah buug aan 20 sano qorayay, buugaas waxa magaciisa la yidhaahdaa ' Buugii Da'da'..." Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa markii la wayddiiyay " Illaa intee in leeg baad aqoonta baranaysaa?" Wuxuu yidhi: " Illaa intaan dhimanayo." Sheekh Abuu Isxaaq Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa d...

Waa maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan?

Image
    Intii aan noolaa buug badan ayaan akhriyay, balse intooda badan ma xasuusto xogahii aan ka helay. Sidaas darteed, waa maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan? Maalin maalmaha ka mid ah ayaan wayddiintaas wayddiiyay Barofaseerkaygii. Maalintaas Barofaseerku wuu aamusay, kamana jawaabin wayddiintii. Maalmo yar ka dib arday iyo Barofaseerkii ayaa ku kulmay Webi. Barofaseerkii ayaa ardaygii tusay meel biyo ka soo burqanayaan, wuxuuna ku yidhi: “ Innamari aynu soo eegno biyahan Webigan meesha ay ka soo burqanayaan.’ Ishu waxa ay ka imanaysaa dhulka. Ardaygii ayaa wareeray, iyaga oo u maleeyay in arrintani tahay mid bilaa macniya oo macallinku u diray, iyada oo ayna suurtagal ahayn in biyuhu ka yimaaddaan meel daloosha. Ardaygii ma addeecin taladii Barofaseerka, macallinkii wuxuu soo qaatay weel daloola, wuxuuna ula kacay dhinaca Webiga. Weelkii ayuu Biyo ka buuxiyay, dib ayuuna Webiga ugu tuuray, balse kama fogaan oo meel dheer ma tagin. Waxoogaa yar ka dib, Biyihii aya...

Markasta muhiim baa tahay!

Image
  Waxa caana in qofku marka uu ladanyahay la wada jecelyahay, oo lagu soo hirto, halka marka aanad waxba hayn cidina ayna ku danayn, waxna ku soo moodin, laguna aan jeclay. Ladnaanshuhu maaha kaliya uun jeebka, se wuu noocyo badanyahay, ladnaanshaha waxa ka mid ah in qofku yahay afmaal, inuu yahay qof miisaan leh oo bulshadu qawlkiisa ku go’do, in qofku daacadyahay oo la aamini karo IWM. Isku soo xooriyoo qofka Tayada leh waa la daneeyaa. Tayadu way noocyo badantahay, ugu yaraan noqo qof tayo leh oo daacadnimo, aaminaad, ballan oofin, run iyo wanaag ku caanbax oo ha lagugu barto sifooyinkaas. Adigu muhiim baad tahay, kaliya naftaada muhiim uma tihid, bulshadana muhiim baad u tahay. Waxa aad tahay xubin ka mid ah bulshada, kaalin baad ugu jirtaa bulshada. Kaalintu maaha mid muuqata uun, waxa ay noqon kartaa mid aan la ogayn oo kaliya adigu aad ogtahay. Kaalinta ugu yar ee aad bulshada ugu jiri kartaa waa in aanad cidna ku tiirsanayn oo adigu dhuunigaaga iyo baahidaada kaafisid, oo a...