Posts

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Image
  Qofku marka aanu fursaddaa diyaarsanayn haddii ay timaaddo wuu dayacaa, meel bannaana wuu ku dhacaa. Waayo, fursadaha noloshu si kedis ah oo bilaa ogaysiis ah ayay ku yimaaddaan. Waa sababta markasta loo yidhaahdo: " Diyaargaraw. Diyaargarawgaa waxkasta ka horreeya." Waayo, fursaddu kuma sugayso, haddaanad diyaar ahayn oo degdeg uga faa’deysan, way ku dhaafaysaa.  Adiga oo aan diyaar ahayn in ay fursadi timaaddo oo sidaa kugu dhaafto adoon ka faa'idaysan waxa ka wacan adoo diyaarsan inaad fursad waydid. Waayo, ta hore waa qoomamo, ta danbana waa shay nasiib ku siin waayay, oo waxa laga yaabaa inay fursaddii weli kuu soo socoto. Mudane Shamuuri oo soo caan baxay bishii 2aad ee sannadkan 2024, kuna soo caanbaxay markhaatigii uu furay Kiiskii Gubidda Marxuum Luul. Isaga oo markii su'aalaha maxkamaddu wayddiisay markasta ku darayay ' Masha Allah, Insha Allah..." Labadaa kalmadooda iyo hadalkiisa ayaa bulshada aad usoo jiitay, aadna upa dhaceen. Iyada oo la hada...

Ninka ugu taajirsan CHINA oo taliyay

Image
Ninka ugu taajirsan China oo ah Jack Ma ayaa wuxuu yidhi: " Haddi hal Sallad aad ku wada riddid Muus & Lacag, ka dibna aad hordhigtid Daanyeer; Daanyeerku wuxuu dooranayaa Muuska! Waayo Daanyeerku ma garanayo in Lacagtu goyso Muus badan..."  Xaqiiqdii, haddii dadka aad usoo bandhigtid shaqo iyo Ganacsi ka ay rabaan waxa ay dooranayaan shaqada; waayo dadku intooda badan ma garanayaan in ganacsiga laga sameeyo lacag badan oo in doora ka badan lacagta mushaharka ah ee shaqo laga qaato.  Mid ka mid ah sababaha dad badan oo sabool ahi ay saboolka u yihiin waxa lagu sheegaa in saboolku ayna rumaysnayn fursadaha bilaabidda hal'abuur ganacsi. Waqti badan ayay ku lumiyaan Dugsi, oo waxa ay Dugsiyada ka bartaana wuxuu u tababaraa inay shaqaale noqdaan oo mushahar sugaan, halkii ay iyagu shaqo abuuran lahaayeen.  Faa'idada ayaa ka fiicanyahay mushaharka, waayo mushaharku waqti kooban buu ku haynayaa, halka  Faa'idadau kaa dhigayso hantiile.  Turjumid:  Cabdirisaaq...

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Image
    Hordhac   Ka Sandheere ahaan, markii koowaad waxa aan booqday oo soo arkay Magaalada Herar, May 19, 2o24. Herar in badan baan maqlayay, waxbadanna ka akhriyay, se inaan dhex joogsado oo wixii aan akhriyay arko waan ku faraxsanahay. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa wixii aan ku soo arkay magaalada Herar, iyo guud ahaan wax ku saabsan magaalada facawayn ee Herar.                                             Sooyaalka Herar   Herar, waxa ay ku taallaa Bariga Itoobbiya. Waxa ay 500 KM u jirtaa magaala Madaxda Dalka Itoobbiya ee Addis Ababa. Waa magaala madaxda Gobolka Herar. Waxa ay ku taallaa dhul buurallay ah, dhul aad u qabaw, cagaar ah, dhir badan oo inta badan roobku ka da’o. Marka aad magaala guud ahaan fiirisid waxa ishaadu...

Xifaaltanka iyo Colaadda Bilaashka ah ee Shaqaalaha Isku xirfadda ah ee kala Shirkadaha ah!

Image
Soomaalida dhexdeeda, shaqaalaha isku xirfadda ahi, iyo kuwa ka kala shaqeeya shirkadaha isku adeega bixiya, ama goobaha kale ee isku shaqada qabta waa kuwa ugu badan ee isximaya, ficiltama, is isxaasida ee isku erya, aadna aan iskugu calool xaadhnayn. Tusaale aan bixiyo, laba qof oo shaqaale ah ayaa ka kala shaqeeya laba shirkadood oo isku adeeg bixiya, ama Laba Dugsi oo isku wax dhiga. Labadaas qof lagama yaabo inay si wacan u wada sheekaystaan, oo arrimo badan isla qaadaa dhigaan! Xataa haddii ay labada is fahmaan, aad iskuma caloolfurna! Marmar haddii ay isfahmi lahaayeen oo isdhexgeli lahaayeen waxa xaddidaya labadooda shaqo, oo fakaaga u dhexeeyaa waa in ay labada goobood oo tartamaya ka kala shaqeeyaan. Sababaha arrintaas keenay wax badanyihiin, waxa ugu mudan labada qof oo ka kala cabsanaya in haddii shirkaddu aragto hebel oo la fadhiya ama la taagan ba hebel/heblaayo oo shirkad heblaayo ka shaqaysa inuu sir u gudbinayo oo arrimaha shirkadda/shaqadan khuseeya u sheegayo! Xataa...

Taariikhda Sh. Maxammad Cumar Dirir

Image
   Hordhac Sh. Maxammad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.  Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.  Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah:  1-       Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).  2-       Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada). 3-     Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).  4-       Dacw...

Sidee werwerka la iskaga ilaaliyaa/daweeyaa?

Image
   1-      Badi akhrinta Quraanka Quraanku waa dawo. Wuxuu dawo ka yahay cudurkasta iyo xanuunkasta oo qofka ku dhaca. Alle wayne wuxuu Suuratu Isra ku yidhi “ Quraanka waxa aan usoo dejinnay inuu Muslimiinta u yahay dawo, hanuun iyo naxariis…” Werwerku wuxuu ka midyahay xanuunnada nafsiga ah ee qofka maskaxdiisa ku dhaca, waxyaabaha dejiya ee qofka ka baabbiiyana waxa ka mid ah Quraanka.   2-    Badi adkaarta, sida Tasbiixda, taxmiidda, takbiirta Waxyaabaha qofka werwerka iyo walbahaarka ka ka ilaaliya waxa ka mid ah adkaarta noocyadeeda kala duwan sida Tasbiixda ( Subxaan Allah), Taxmiidda ( Alxamdulillaah), iyo Takbiirta ( Allahu Akbar). 3-    Dheh ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah’ Dawooyinka la tijaabiyay ee qofka dejiya, werwerka iyo walbahaarkana ka ilaaliya waxa ka mid ah inuu qofku ku celceliyo oo markasta afka ku hayo ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah.’ Waa kuu muhiim adkaartani. Tijaabi oo dhawr jeer ku celceli....