Ninka ugu taajirsan CHINA oo taliyay


Ninka ugu taajirsan China oo ah Jack Ma ayaa wuxuu yidhi: " Haddi hal Sallad aad ku wada riddid Muus & Lacag, ka dibna aad hordhigtid Daanyeer; Daanyeerku wuxuu dooranayaa Muuska! Waayo Daanyeerku ma garanayo in Lacagtu goyso Muus badan..." 

Xaqiiqdii, haddii dadka aad usoo bandhigtid shaqo iyo Ganacsi ka ay rabaan waxa ay dooranayaan shaqada; waayo dadku intooda badan ma garanayaan in ganacsiga laga sameeyo lacag badan oo in doora ka badan lacagta mushaharka ah ee shaqo laga qaato. 

Mid ka mid ah sababaha dad badan oo sabool ahi ay saboolka u yihiin waxa lagu sheegaa in saboolku ayna rumaysnayn fursadaha bilaabidda hal'abuur ganacsi. Waqti badan ayay ku lumiyaan Dugsi, oo waxa ay Dugsiyada ka bartaana wuxuu u tababaraa inay shaqaale noqdaan oo mushahar sugaan, halkii ay iyagu shaqo abuuran lahaayeen. 

Faa'idada ayaa ka fiicanyahay mushaharka, waayo mushaharku waqti kooban buu ku haynayaa, halka  Faa'idadau kaa dhigayso hantiile. 

Turjumid:  Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?