Sidee werwerka la iskaga ilaaliyaa/daweeyaa?

  


1-    Badi akhrinta Quraanka

Quraanku waa dawo. Wuxuu dawo ka yahay cudurkasta iyo xanuunkasta oo qofka ku dhaca. Alle wayne wuxuu Suuratu Isra ku yidhi “ Quraanka waxa aan usoo dejinnay inuu Muslimiinta u yahay dawo, hanuun iyo naxariis…”

Werwerku wuxuu ka midyahay xanuunnada nafsiga ah ee qofka maskaxdiisa ku dhaca, waxyaabaha dejiya ee qofka ka baabbiiyana waxa ka mid ah Quraanka.

 

2-  Badi adkaarta, sida Tasbiixda, taxmiidda, takbiirta

Waxyaabaha qofka werwerka iyo walbahaarka ka ka ilaaliya waxa ka mid ah adkaarta noocyadeeda kala duwan sida Tasbiixda ( Subxaan Allah), Taxmiidda ( Alxamdulillaah), iyo Takbiirta ( Allahu Akbar).

3-  Dheh ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah’

Dawooyinka la tijaabiyay ee qofka dejiya, werwerka iyo walbahaarkana ka ilaaliya waxa ka mid ah inuu qofku ku celceliyo oo markasta afka ku hayo ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah.’ Waa kuu muhiim adkaartani. Tijaabi oo dhawr jeer ku celceli.

4-  Badi Salliga Nebiga SCW

Salliga Nebi Muxammed SCW wuxuu ka midyahay waxyaabaha qofka guusha iyo badhaadhaha u horseeda, werwerka iyo iskubuuqana ka ilaaliya. Haddii aad Salliga Nebiga ku celcelisid waad ka badbaadaysaa werwerka, isku buuqa IWM. Salliga Nebiga waxa ku jirta barako badan iyo wanaag badan. Qofka ku celceliyaa wuxuu la kulmaa bishaarooyin badan iyo khayr.

Halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=spGb807UT18

Asxaabtaada la sii wadaag, khayrka.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?