Posts

Talo ku socota qofkasta oo SHAQAALE AH

Image
  1- Guri hore u dhiso. Meel uun guri ka dhiso, Miyi ama Magaalo. In aad guri dhisatid marka aad jirtid da’da Kontomeeyadu maaha horumar. Ha ku noolaan guryaha dawladda. Waayo, waa raaxo khatar leh. 2- Muhiimadda koowaad sii qoyskaaga, shaqadana noloshaada ha ku dhex milin. Waayo, shaqada aad ka shaqaysid adigu tiir uma tihid, haddii aad dhimatid ama ka tagtid ba si degdega ayaa loo soo buuxinayaa booskaagii, shaqadiina way sii soconaysaa. 3-Iska ilaali in aad cid ku xamatid xafiiska ama goobta shaqada. Iska ilaali waxyaabaha kharribaya magacaaga ama sharaftaada. Ha ku biirin kooxaha dabadhilifka u ah maamulka shaqada iyo asxaabta aad wadashaqaysaan. Ka fogoow isku imaansho kasta oo taban   oo dadku ajandayaashooda dhexmarsanayaan. 4- Hala tartamin maamulahaaga shaqada, waayo faraha ayaad ka guban doontaa. Ha la tartamin oo ha isbarbardhigin asxaabta aad wada shaqaysaan, waayo maskaxdaada ayay saamayn. 5- Samayso ganacsi aad waqti ka shaqaysid. Waayo, mushaharkaagu m...

Nin Shaqo laga eryay o noqday Milyaneer Bangi Furtay!

Image
Titus Kiondo Muya:  Ka Dib Markii Dallacaad Loo Diiday Bangi buu Aasaasay!    Aasaasaha Bangiga Family Bank oo mid ah Bangiyada ugu waawayn dalka Kenya fekradda uu bangiga ku yagleeyay waxa ay ahayd mid  xiiso leh. Waxa aasaasay mudane Titus Kioneo Miyu, sannadkii 1984kii.  Wuxuu hirgelinta fekradda aasaaska la yimid ka dib markii loo diiday shirkaddii uu ka shaqaynayay inuu DALLACO, sababta loogu diidday dallacaaddana waxa lagu sababeeyay in uuna Shahaadada koowaad ee Jaamacadda haysan ( Degree).  Bangigu wuxuu hanti ahaan u leeyahay 130 Milyan oo Doollar. Sannado badan buu calanka u siday dalka Kenya oo uu ahaa bangiga Kenya ugu wanaagsan. Bangigu wuxuu shaqo abuur u yahay oo ka shaqeeya dad ka badan 1,500 qof.  Fekraddu waxa ay ku dhalatay ka dib markii uu Jaraa'id Caalamiya oo ganacsiga ka warrama ka akhriyay maqaal aqooneed ku saabsan ganacsiga, waqtigaas uu maqaalka akhriyay waxa ay ahayd sannadkii 1961kii, da'diisuna waxa ay ahayd 18 sano jir. M...

Faallada Buugga “Mind Management Not Time Management ~ Maaraynta maskaxda, maaha maaraynta Waqtiga.”

Image
    Buuggan waxa qoray qoraa David Kadavy oo ah qoraa wax ka qora arrimaha inta badan la xidhiidha maskaxda, waqtiga IWM. Buuggan waxa uu kaga warramayaa muhiimadda ay leedahay in maskaxda la maamulo oo la xakameeyaa. Wuxuuna qoraagu ku doodayaa in maskaxda oo la maamulaa ay ka muhiimsantahay in waqtiga la maareeyaa.   Si kooban ayaan u dulmari doonaa nuxurka guud ee buugga.   Dhawrkan qodob ayaan ka faa’idaysan karnaa: 1-  In aad noqotid qof waxsoosaar badan leh maanta, uma baahna waqtiga oo aad maaraysid, balse waxa ay u baahantahay in aad maskaxda xakamaysid  oo maaraysid. 2-  Maaraynta waqtig wu   waxa ay keentaa in si waxtar leh l ooga faa’idaysto  waqtiga , balse in maskaxda la maareeyaa waxa ay keentaa ama sababtaa in in si fiican looga faa’idaysto tamarta iyo hala’abuurka qofka ku duugan. 3-   Saacadaha oo dhami ma keenaan wax isku mid ah, tusaale ahaan haddii aad maalintii hal saac wax qortid, muddo sannad ah buug baad...

Faallada Buugga “ Focus on What Matters”

Image
  Buuggan waxa qoray qoraa Darius Foroux. Darius waa qoraa buugaag kala duwan qoray. Buugta uu qoray waxa ay ka midyihiin buugta caalamka ugu iibsiga badan. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “Think Straight and Do It Today.” Iyo buuggan aynu faallaynayno ee “ Focus on What Matters.” Darius Foroux wuxuu bulshada ka caawiyaa sidii qofku hantiile u noqon lahaa. Wuxuu inta badan wax ka qoraa arrimaha la xidhiidha maalgelinta, waxsoosaarka, caadooyinka IWM.   Waxa aan isku dayi doonaa in aan si kooban buugga uga warramo. 1-       Haddii aad fulinaysid waxa aad afka ka sheegaysid waxa aad tahay qof macquula: Qoraagu wuxuu xusayaa in haddii qofku qabto oo ka shaqeeyo wuxuu ku hadlayo inuu yahay qof la isku hallayn karo. Waa qof la isku hallayn karo oo hawsha loo dhiibo lagaga seexan karo. 2-     Diiradda saar waxa aad xakamayn kartid, oo nolosha dabiiciga ahi sida ay sheegayso raac oo waaqica iyo xaqiiqada ha ka b...

Faallada Buugga “the 15 Invaluable Laws of Growth ~ 15 Xeer ee Koritaanka”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ THE 15 INVALUABLE LAWS OF GROWTH” waxa qoray John Calvin Maxwell . John Maxwell waa qoraa, dhiirrigeliye iyo fagaare ka hadle iyo hoggaamiye arrimaha hoggaaminta, dhiirrigelinta IWM wax ka qora. Buug badan buu qoray, buugta uu qoray waxa ka mid ah “ The 21 Indispensable Qualities of a Leader ” Iyo “ Everyone Communicates, Few Connect: What the Most Effective People Do Differently” , 2010kii. Iyo “ The 21 Irrefutable Laws of Leadership ,” 1998. Iyo qaar kale oo badan. Buuggan aynu faallaynayno wuxuu qoraagu soo saaray sannadkii 2012kii. Wuxuu kaga hadlayaa xeerarka qiimaha leh ee uu ku taagantahay koritaanka iyo koboca qofku. Si kooban ayaynu u dulmari . Nuxurka Buugga Waxa jira xeer lagama kacaan ah oo muhiim u ah qofka iyo bulshadaba. Xeerarkaas wax ka mid ah: 1-  Xeerka ugu talagalka ( Intention): Qofku marka uu korayo si dabiiciya ayuu u koraa oo u waynaadaa. Qofku wuxuu u qaadanayaa in maskaxdiisa iyo koritaankiisa caqliguma sidaas dabiiciga ah is...

Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2023?

Image
  Hordhac Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon badan iyo adduun ba kasbadaa. Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2023 kaga faa’idaysan karo. Aniga oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo, duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun ka anfaca. Maxaan kaga Faa’idaystaa 2023? Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin cusub oo soo ...

Faallada Buugga “ How To Become A People Magnet ~ Sideed ku Noqon kartaa Qof Dadka Soo Jiita”

Image
Hordhac   Buuggan la yidhaahdo “ How to Become A Megnet” waxa qoray Marc Reklau ,  oo ah tababbare, dhiirrigeliye iyo Qoraa. Marc waa qoraa wax ka qora arrimaha dhiirrigelinta iyo horumarin shakhsiyadda qofka. Buugaag kala duwan ayuu ka qoray. Buuggan aynu faallayn doono ayaa ka mid ah.   Buuggani wuxuu ka koobanyahay 160 bog. Waa 7 qaybood oo 62 cutub ah. Cinwaan hoosaadkiisu waa “ 62 Life-Changes Tips to Attract Everyone You Meet.” Wuxuu ka warramayaa sida qofku bulshada dhexdeeda saamayn ugu yeelanayo, iyo Tabaha uu qofku marayo.   Nuxurka Buugga   Magaca buugga waxa ka muuqata aaladda loo yaqaanno ‘ Birlabta’ oo ah bir soo jiidata aaladaha kale, mar alla marka ay birtaasi ku dhawaato wax kale way soo jiidataa. Taasi waxa ay sheegaysaa awoodda ay leedahay aaladdaasi. Waxa xusid mudan in birlabtu ayna soo jiidan waxkasta, se ay soo jiidato waxyaabo gaar ah oo muhiim ah. Sidaas si la mid ah ayay tahay in qofku bulshada qaar ka mid ah saamayn ku yeesho oo soo ji...