Faallada Buugga “Mind Management Not Time Management ~ Maaraynta maskaxda, maaha maaraynta Waqtiga.”

 

 

Buuggan waxa qoray qoraa David Kadavy oo ah qoraa wax ka qora arrimaha inta badan la xidhiidha maskaxda, waqtiga IWM. Buuggan waxa uu kaga warramayaa muhiimadda ay leedahay in maskaxda la maamulo oo la xakameeyaa. Wuxuuna qoraagu ku doodayaa in maskaxda oo la maamulaa ay ka muhiimsantahay in waqtiga la maareeyaa.

 

Si kooban ayaan u dulmari doonaa nuxurka guud ee buugga.

 

Dhawrkan qodob ayaan ka faa’idaysan karnaa:

1- In aad noqotid qof waxsoosaar badan leh maanta, uma baahna waqtiga oo aad maaraysid, balse waxa ay u baahantahay in aad maskaxda xakamaysid oo maaraysid.

2- Maaraynta waqtigwu  waxa ay keentaa in si waxtar leh looga faa’idaysto waqtiga, balse in maskaxda la maareeyaa waxa ay keentaa ama sababtaa in in si fiican looga faa’idaysto tamarta iyo hala’abuurka qofka ku duugan.

3-  Saacadaha oo dhami ma keenaan wax isku mid ah, tusaale ahaan haddii aad maalintii hal saac wax qortid, muddo sannad ah buug baad ku qori kartaa. Balse, hal mar 365 saacadood si fudud wax isku toosan uma qori kartid, natiijo isku mid ah na heli maysid.

4-  Xeerka koowaad ee saacaddu wuu fududyahay: Wuxuuna yahay saacadaha ugu horreeya ee maalintaada waa in aad ku lumisaa in aad qabatid hawsha ama waxa kuugu muhiimsan maalintaada,

5-  Haddii aad maalintaada ku bilowdid in aad ka shaqaysid shayga kuugu muhiimsan waxyaabaha kalana fursad yar baad u helaysaa.

6- Mararka qaar ayay maskaxdaadu ku habboontahay in aad u fekertid si hal’abuur leh, halka mararka qaarna maskaxdaadu ku habboontahay in ay u fekerto si falanqayn/faallayn leh ( Analytical).

7-  Ujeedda waqtigu maaha in meel bannaan la iskaga buuxiyo, balse ujeeddada ka faa’idaysiga waqtigu waa in waqtiga loo adeegsado hagitaan uu kugu hagayo in aad nolosha meelaha  kaa qallooca ama kaa liita ku toosisid.

8- Hal saacad oo qofku si joogto u baraarugsanaado oo wax diiradda saaraa waxa ay kor u qaaddaa waxsoosaarka qofka, weliba si ka badan  hal sano oo qofku  waxbarasho korodhsanayay.

9- Marka aad rabtid in aad shaqo mid kale ku baddeshid tamartaadu way yaraanaysaa. Haddii aad taas markasta samaysid, tamartaadu way sii kobci oo sii siyaadi.

10-  Cilmibaadhis ay Jaamacadda Harvard samaysay ayaa waxa ay sheegaysaa in dadka waxbarashada ku mashquulay in ay yihiin kuwo hala’abuur yar. Cilmibaadhistu waxa ay xusaysaa in shaqaaluhu ay inta badan mashquulyihiin oo ay waxyar ku lumiyaan in ay ka fekeraan hawlaha kale ee fekerka u baahan sida maskax tuujinta. Waxa kale oo ay sheegeen in fiiradooda oo gaabani iyo shaqadooda oo yari ay keento in hal’abuurkoodu yaraado oo xataa ay saameeyaan asxaabta ay wada shaqeeyaan.

11-  Heerarka codka/jabaqadu way saamaysaa awooddaada aad kaga fekeraysid hal’abuur cusub iyo waxsoosaar. Cilmibaadhis ayaa waxa ay soo jeedinaysaa in jabaqda aaga qofku joogo ka jirtaa  ay noqoto Toddobaatan Decibels, taasina ay tahay mid ku habboon in fekrad lagu abuuri karo.

12-  Shay’yadu ma adka marka la samaynayo, waxa adagi waxa weeyaan sida ay maskaxdeenna ka dhigno marka aynu rabno in aynu samayno.

 

Waxa aan qayb ahaan ka soo dheegtay Hassan Sas Bangura oo qoraal buugga ka qoray.

Muuqaal ahaan halkan ka daawo: (1) Buugga 70; Gugii 4aad:Faallada Buugga " Mind management Not Time Management"| Maaraynta Maskaxda. - YouTube 


W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

 

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"