Posts

Mu'addinkii Nebi Muxammed: Bilaal Binu Rabaax

Image
Bilaal, waxa uu ka mid ahaa asxaabtii Nabiga kuwii ugu waaweynaa, ee ugu akhyaarsanaa. Waxa uu ahaa Mu’addinkii Nabi Muxammed SCW. Cod macaan ayuu lahaa Bilaal. Bilaal, waxa uu dhashay 43 sannadood ka hor hijrada. Waxa dhalay Aabbo la odhan jiray ‘ Rabaax.’ Hooyadiina waxaa la odhan jiray ‘ Xamaama.’ Agoonnimo ayuu ku koray Bilaal. Markii Nabi Muxammed SCW soo baxay, Bilaal, waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyay ee Rumeeyay Nabiga. Dadkii la dhibay, ee Islaamnimada daraaddeed loo dhibay ayuu ka mid ahaa. Wuu ku samray, oo u adkaystay. Gabadhii ugu horreysay ee Shahiidday ee SUMAYA, markii la cadaabayay, Bilaal na aad baa loo cadaabayay. Bilaal, meel kulul oo bacaada ayaa la dhigay, beerka ayaa dhulka loo dhigay, waxa lagu lahaa ‘ Muxammed cay’ isaguna wuu diiday, se marka ay aad u cadaabaan ayuu isaga oo qalbiga sidii saxda ahayd ka aaminsan waxa ay rabaan lahaa. Ninkii kibray ee la odhan jiray Ummaya Binu Khalaf, oo addoonsan jiray Bilaal misana waqtigaa ahaa nin qooqay ayaa Bilaal inta u...

AFAR MAS’ALO OO QOFKA ISLAAMKA AH U MUHIIM AH

Image
  ا Ogow ALLAH ha kuu naxariistee inay nagu waajibtahay barashada afar shay: الأولى: العلموهو معرفة الله، ومعرفة نبيه، ومعرفة دين الإسلام بالأ 1-       Aqoon: Aqoonta oo ah garashada ALLAH, garashada Nebigiisa, iyo barashada diinta Islaamka si daliil leh ama caddayn leh. *** الثانية: العمل به.                                                              2-      Ku camal falidda: Marka aad barato ka dib   waa in aad ku camalfashaa Diinta Islaamka. ***                              ...

Sannadguuradii 3aad ee #Xogkorodhsi 2022: Milicsiga Sannadka 2022 ( Annual Review)

Image
Hordhac Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray #Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way anfacayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, soo jeediya oo duuba.   Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa inaan ku qiimeeyo muddadaas 3 Sano ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan barnaamijka Xogkorodhsi. Waa Maxay Xogkorodhsi? Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo, sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan dunida. Waa barnaamij toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iy...

Sheekhan ayaa Magacayga Kitaabka iiga Eegay

Image
  Waxa aan caado ahaan u soo gaadhay in marka Ilmo dhasho, ilmaha dhashay waalidkii Sheekh u tagaan si uu ugu magacbixiyo. Anigu markii aan dhashay, waxa maqnaa Awawgay Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale ( Ina Cumar Daranyo) oo ahaa Sheekhul Balad iyo oday wayn oo la qaddariyo. Inta uu isagu joogo la’aantii Wadaad kale looma baahan jirin. Haddaba markii aan dhashay Awoowo AHUN wuu maqnaa oo halka aan ku dhashay oo ahayd halkii isaga iyo inankiisa ( oo aabbahay) ahiba ay degganaayeen wuu ka maqnaa. Waxa meesha taalla in la ii magacbixiyo oo sida ay dadka DEEGAANKU aaminsanyihiin ilmaha dhashay loo kitaab dayo oo magac loo bixiyo, Sheekh la’aantiina magac looma bixin jirin ilmaha oo waxa la aaminsanaa in Wadaadka magaca bixinayaa kitaabka ka eego Kitaabka. Waa arrin berigii aan dhashay caado ka ahayd Miyiga ballaadhan ee aan ku dhashay eek u barbaaray ee Madarka loo yaqaanno ( Inta u dhexaysa Wajaale iyo Harta Sheekha). Maadaama ilmo dhashay, Sheekhii meesha oo ah Sh. Maxamed maqanyahay ...