Posts

Siciid Sheekh Samatar: Taariikhyahankii ugu afka dheeraa Cilmibaadhista Soomaalida

Image
  Siciis Sheekh Samatar,   waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya. Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay ‘ Goshen College ’ oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda ‘ Northwestern University ’ oo ku taalla   Evanston, Illinois . Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer ka ahaa Jaamacadda Rutgers University. Wixii intaas ka danbeeyay waxa uu ku hawlanaa Taariikhd Afrika guud ahaan, gaar ahaanna ta Soomaalida. Waxa uu xubin sare ka ahaa ururka ‘Somali Studies Internati...

Milicsigayga iyo Islaxisaabtanka Sannadkii 2020: Maxaan akhriyay, Qoray, Turjumay, Sookoobay, Gorfeeyay?

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2020 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,   iyo IWM. Akhriskayga Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxbaan akhriyaa. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado ak...

Faallaynta Buugga “ Hayaankaygii Rumaynta”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Hayaankaygii Rumaynta”, oo asal ahaantii ku qornaa Luuqadda Carabiga waxaa qoray Dr. Mustafe Maxammuud. Waxaa Af Soomali u turjumay Aadan Khadar Cali ( Aadan-Sahan), oo ah wiil dhallinyaro oo Yuutuubar ah, oo leh Janal la yidhaa ‘ Sahanka Xogaha’ oo waxyaabo kalageddisan ku soo gudbiya. Waxaa daabacaday Madbacadda Dawaad, oo ah madbacad hadda saaxadda firfircooni la soo gashay oo daabacda buugaagta kalageddisan. Qoraaga buuggu waa Mustafe. Mustafe, waxa uu ahaa aqoonyahan, dhakhtar, qoraa, iyo suugaandhaadhi. Waxa uu u dhashay Dalka Masar. Waxa uu ka baxay kulliyadda caafimaadka, isaga oo ku takhasusay qalliinka maskaxda iyo neerfaha. Mustafe buugaag kaladuwan oo qiyaas ahaan gaadhaya 89 buug. Buugtaasi waxa ay ka kala hadlayaan laamaha kaladuwan ee aqoonta sida Diinta, Falsafadda, aqoonta Bulshada, siyaasadda, iyo kuwa la xidhiidha sheekafaneedda, masraxiyadda, sheekaxariirada, sheekooyinka safarrada, IWM. Muddo badan ayuu Allediid ahaa Mustafe,...