Posts

FEKERKU WAA MURAAYADDA QOFKA!

Image
  Waqtigii hore shakhsiyadda qofka waxbaa laga aaminsanaa. Waxaanna lagu qiimeyn jirey   hadalka. Haddii qofka hadalkiisu misaaman yahay; shakhsiyaddiisuna awood bey leedahay. Haddiise hadalka uu dhabqinayo─oo si bilaa miisaana uu u hadlayo; shakhsiyaddiisu ma dhisnayn! Arrintaasi waa maangal; waxaanna dabbaqay dadka [soo jireenkeedu] afka yahay (Oral society) ee aan weli horumarin. Balse, hadalku ma u yahay muraayad dawladaha horumaray? Waxaan hayaa arrin kale, luuqadda iyo hannaankeeda. Hadalka iyo awooddiisa; waa labo arrimood oo baahi loo qabo. Balse, waa waxba la’aan marka fekerku daciifyahay, luuqadduna awood leedahay. Sidaa daraadeed, dadyawga horumarey way dhaafeen gabayga; waxaynna baddelkeeda adeegsadaan fekerka. Gabayga waxa ay la falgaliyaan fekradda; waxaynna isku dayaan in ay feker ahaan naqdiyaan; in ka badan inta ay luuqad ahaan naqdinayaan! Shacabyada horumaray way jecelyihiin hadalka, waxay...

Falanqaynta Buugga “The Strategic Interest of Turkey’s Foreign Policy in Somalia- Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya”

Image
Hordhac Ladhka sidan u dhigan “ THE STRATEGIC INTEREST OF TURKEY’S FOREIGN POLICY IN SOMALIA ~Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya” waxa qoray Cumar Y. Cabdulle. Waa buuggii uu Cumar Masterta ku diyaariyay ee ku difaacday. Qoraagu, waxa uu muddadaa uu buugga qorayay wax ka baranayay Dalka Turkiga. Qaybta ‘ Maamulka Guud iyo Barashada Siyaasadda’ ayuu waqtigaas dhiganayay. Cumar, hore waxa uu Digriiga koowaad uga qaatay Jaamacadda Simad. Haddana waa Macallin Jaamacadeed, iyo aqoonbaadhe Muqdisho deggan. Waa buug aqoonbaadhis ah, oo waafaqsan habka loo sameeyo aqoobaadhista. Waxa uu si rasmi ah qoraagu u dhammeeyay sannadkii 2019kii bishii Abril.   Waa kii uu qalinjebinta Cumar ku difaacday. Muddo badanna wuu baadhayay, oo wax hortii la qoray ayuu ka akhriyay.   Waa buugyare noqon kara mid ummadda Soomaaliyeed wax ka korodhsato. Waxa xiise u yeelaysa Qoraaga oo waqtigaas wax ka baranayay, kuna noolaa Dalka Turkig...

Sookoobidda buugga “ Atomic Habits- Caadooyinka Yaryar.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Atomic Habits ~ cadooyinka yaryar” waxa qoray James Cleir. James, waa qoraa arrimaha caadooyinka wax ka qora. Maqaallo badan ayuu qoray. Buuggani waxa uu ka koobanyahay 286 bog. Wuxuu ku jiraa buugta caalamka ugu iibsiga badan. Waxa laga iibsaday hal Milyan oo Xabbo/Koobbi. Sababta uu buugga u qoray waxa uu ku sheegayaa inuu muddo badan mareegtiisa Internetka uu ku leeyahay uu wax ku qori jiray. Maalinkasta , toddobaadlkasta, iyo sannadkasta dad farabadan oo kumannaan ah ayaa ku soo biiri jiray oo akhrisan jiray qoraalladiisa. Ugu danbayn wuxuu furay ‘ Habit Academy’ oo dad badan oo ganacsato, tababbarayaal, iyo shaqaalahaba iskugu jira uu wax ku bari jiray, oo ay ka qalinjebiyeen. Markii waxaas oo waxsoosaara uu sameeyay ayuu doonay inuu dhigane ka qoro. Sidaas ayuu buuggan ““ Atomic Habits.” Sannadkii 2018kii ayuu oo saaray. Buuggu waxa uu ka hadlayaa habka ugu wanaagsan ee caado loo dhiso. Caadadaasi waxa ay noqon kartaa mid ganacsi, ehel, sha...

Sookoobidda buugga “ How Successful People Think- Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa Sookoobidda buugga “ How Successful People Think- Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?’ waxa qoray John Maxwell. Waxa uu ahaa qoraa. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ 15 Valuable Lows o Growth.” Waa buug kooban. Waxa uu ka koobanyahay 120 iyo dhawr bog.   Se PDF ahaan waa 80 Bog. Buuggan waxa uu kaga warramayaa QAABKA ama SIDA dadka GUULEYSTAYAASHA ahi u fekeraan. Dadka guuleystayaashu qaab gaar ayay u fekeraan sida qoraagu qabo, qaababkaas ayaynnu isla eegi. Nuxurka Hordhaca hore qoraagu waxa uu isku wayddiinayaan dhawr su’aaloo. Ta koowaad waa “ Maxaad u doonaysaa in aad baddeshid habfekerkaaga?’ Marka aad fekrad baddelaysid waxaad u baahantahay qodobbadan inaad xasuusnaatid. Waxa ka mid ah: 1-       Ogsoonoow isbeddelku iskama yimaaddo si AUTOMATIC AH. 2-     Baddelidda fekerku way adegtahay. 3-      Baddelidda fekerku wax la maalgeliyo way u qalantaa. Sideed ...