Posts

Sookoobidda buugga “ Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah?”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah” Carabi ayuu ku qoranyahay, ladhkiisuna waa “ اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك .” Waxa qoray Dr. Saajid Al Cabdali, oo ah dhakhtar caafimaad,   qoraa, iyo aqoonyahan arrimaha siyaasadda ku lug leh. Wargeysyo, jaraa’iddo, iyo mareego badan oo Internetka ah ayuu si maalinle ah wax ugu qoraa Saajid. Ururro badan, oo kuwo Diineed, iyo kuwo siyaasadeed bal eh ayuu ka soo mid ahaa. Xilal kala duwan, iyo mansabyo muunad lehna wuu ka soo qabtay. Ugu danbayn qoraa, sheekh, iyo siyaasi madaxbannaan ayuu ku danbeeyay. Buug badan, oo akhriska iyo qoraalka la xidhiidha ayuu qoray. Waxa ka mid ah “ القراءة الذكية   .” Buuggan waxa la daabacay, sannadkii 2011kii. Waxa uu ka koobanyahay 136 bog. Si guud waa sagaal Cutub, oo mawduucyo kookoobani soo hoosgalaan. Buuggan waxa uu kaga warramayaa akhriska iyo sida uu qofku noloshiisa qayb ka mid ah uga dhigi karayo. Sidoo kale, inuu q...

Gorfeynta Buugga “ Rich Dad Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Rich Dad Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaag badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga ‘ Why A students work for C Studenst, and B students for Government.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ.’ Robert Kiyosaki’s Conspiracy of the Rich, The 8 New Rules of Money .” “ Rich Dad’s Success Stories” iyo ‘ The Businness of 21 st   Century.’ Buuggu wuxuu ka koobanyahay 220 bog. Wuxuu ka koobanyahay 9 Cutub, hordhaca, iyo hadalkooban oo uu buugga ku soo afmeerayo qoraagu. Luuqado badan ayaa buugga loo turjumay. Aqoonyahanno badanna way falanqeeyeen ...

Sookoobidda buugga “ تعليم المتعلم طريق التعلم~Barashada uu baranayo Ardeygu Habka wax loo barto.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ تعليم المتعلم طريق التعلم .” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji. Sarnuuji meeshii uu ka soo jeeday ayay ahayd, oo hadda qiyaas ahaan waa meesha u dhexaysa Webiga Jiinjaan, iyo Turkistaan. Wuxuu dhashay 591dii Hijrada. Fiqiyaqaannadii waaweyneed ee Xanafiyada ayuu ka mid ahaa. Wuxuunna ku caanbaxay ka hadalka mawdduucyada aqoonta ku saabsan. Shaqadiisuna qoraa ayay ahayd. Buuggan uu muddada hore qoray, waa la iskaga danbeeyay oo dhawr wadaad oo kale ayaa dabadii dib u cusboonaysiiyay oo daabacay. Waxa ka mid ah Salaax Maxamed Khiimi, oo sannadkii 1987kii Dimishiq ku daabacay, intuu taxqiiqiyay. Kan aan anigu hayana waxaa soo saaray, oo xataa Muqaddamada ku darsaday Sheekha Jabuuti ee Cabdillaahi Cali Geelle. 2012kii ayuu daabacay. Jeldiga horana wuxuu ba ku qortay ‘ تخريج ’ oo macnaheedu tahay ‘ Soosaare.’ Buuggu waa buugyare kooban, oo aqoon badani ka tiixayso. Bogag ahaan ma badna illaa 63 bog ayuu ka koobanyahay. Q...