Posts

Sookoobidda buugga “ تعليم المتعلم طريق التعلم~Barashada uu baranayo Ardeygu Habka wax loo barto.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ تعليم المتعلم طريق التعلم .” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji. Sarnuuji meeshii uu ka soo jeeday ayay ahayd, oo hadda qiyaas ahaan waa meesha u dhexaysa Webiga Jiinjaan, iyo Turkistaan. Wuxuu dhashay 591dii Hijrada. Fiqiyaqaannadii waaweyneed ee Xanafiyada ayuu ka mid ahaa. Wuxuunna ku caanbaxay ka hadalka mawdduucyada aqoonta ku saabsan. Shaqadiisuna qoraa ayay ahayd. Buuggan uu muddada hore qoray, waa la iskaga danbeeyay oo dhawr wadaad oo kale ayaa dabadii dib u cusboonaysiiyay oo daabacay. Waxa ka mid ah Salaax Maxamed Khiimi, oo sannadkii 1987kii Dimishiq ku daabacay, intuu taxqiiqiyay. Kan aan anigu hayana waxaa soo saaray, oo xataa Muqaddamada ku darsaday Sheekha Jabuuti ee Cabdillaahi Cali Geelle. 2012kii ayuu daabacay. Jeldiga horana wuxuu ba ku qortay ‘ تخريج ’ oo macnaheedu tahay ‘ Soosaare.’ Buuggu waa buugyare kooban, oo aqoon badani ka tiixayso. Bogag ahaan ma badna illaa 63 bog ayuu ka koobanyahay. Q...

Sidee Reer Yurub uga qaylyeen Fiditaanka Diinta bIslaamka?

Image
                       Mawdduuc lagu qorey majallada (Al-Bayaan ~ البيان )   lagu daabacay oo ciwaankeedu ahaa ( Yurub labaatan sannadood dhexdood~). Maqaalku wuxuu kala dhigdhigayaa Islaamku siday Reer Yurub uga qaylyeen. Wuxuuna leeyahay ka baqidda Islaamka ee reer Yurub waxa ay soo bilaabantay waqti hore, gaar ahaanna ururradii mayalka adkaa. Wuxuuna aad usii siyaaday dhacdooyinkii Semtember, 2001 kaddib ee dhawaaqii caalamiga ahaa ee ay reer Yurub intay ugu soo gabbadeen ( ladagaalanka Argagixisada) ay weerareen Nebiga iyo Qur’aanka. Maqaalku wuxuu soo guurinayaa in Islaamkii xadhkaha goostay oo sii fidey, madaxwayntii Yurubna iska caabbin kala hortimid. Ninka la yidhaa Boroloskooni ( Raysalwasaarihii hore ee Talyaaniga) Wuxuu Diinta Islaamka ku tilmaamay in ay tahay Diin dibudhacsan. Madaxweynihii faransiiska Mr Saarakuusi, wuxuu isna aad u weeraray xijaabka iyo niqaabka oo uu m...

Sookoobidda buugga ‘ Dead Aid ~ Gargaar Gunnimo.’

Image
Hordhac Buuggan lagu magacaabo ‘ Dead Aid’ oo aynu ku af Soomaaliyayn karno ‘ Gargaar Gunnimo’  ama ' Gurmad Gunnimo.' Waxa qortay qoraa Dambisa Moya, oo ku caan ah ka hadalka arrimaha la xidhiidha gargaarka, bini’aadannima, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.   Cinwaankiisa guud waa “ Dead Aid”, Cinwaan hoosaad waxa buugga u ah “ Why Aid Isn’t Working, and How there is another way for Africa?” Dambisa, waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka. Dugsigii hoose, dhexe, sare iyo jaamacadda qaybta koowaad waxa ay ku qaadatay isla dalkeeda hooyo ee Zambia. Shahaadada Masterta waxa ay ka qaadatay Jaamacadda Harvard, Kulliyadda Dawladnimada; halka Shahaadada sare ee PhD da ay ku qaadatay Jaamacadda Oxford, gaar ahaan kulliyadda Dhaqaalaha.   Baanka Adduunka ayay muddo lataliye ka ahayd. Sidoo kale, siddood sano ayay ka shaqaynaysay Goldman. Buuggu waxa ay qortay 2009kii. Waa buuggii u horreeyay ee Dambisa qorto. Sida New York Times ay qorta...

Sookoobidda iyo Falanqeynta buugga Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?”

Image
Hordhac Buuggan Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaa badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ugu caansan buugga ‘ Rich Dad and Poor Dad.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ’ iyo ‘ The Businness of 21 st   Century.’ Buuggu wuxuu ka koobanyahay afar qaybood oo baaxad wayn. Waxa soo hoosgala cutub ahaan 18 Cutub. Bog ahaan waa 248 bog. Gudaha Buugga Judha hore ee hordhaca wuxuu qoraagu wax ka taabanayaa sababta ugu weyn ee ardeyda ‘ A’ keentaa ugu shaqeeyaan ardeyda ‘ C’ keenta. Wuxuu ku doodayaa marka koowaad in ard...