Posts

10 Sano oo Buuxa Ayaan Waxbaranayay! ( Semtenber, 2009-Semtenber 2019)

Image
Sawir muujinaya tobankaa sano isbeddelka dhacay. Ogosto 2018 ayaan ku galay Jaamacadda Cammuud oo aan dhigto. Hordhac Waxa aan si kooban uga warrami doonaa 10 sano oo aan waxbaranayay waxa iska kay baddelay, iyo waxa aan bartay. Qoraalku wuxuu xoogga saari doonaa xagga waxbarashada, dhinacyada kale ee NOLOSHA MIYIGA khuseeya qoraallo kale ayaan kaga warrami. Se kani waa 10kaa sano ee aan waxbaranayay xaaladda aan ku sugnaa, iyo wixii ka horreeyay 10kaa sano sidii aan ahaa ( 2009-2019). Bes. WARBIXIN KOOBAN Aniga oo dhex fadhiya lo’dii aan muddada badan eegi jiray, iyo beertii aan ku eegi jiray. Miyi qarfo ah oo noloshu aad ugu adegtahay ayaan ku dhashay. Dhakhtar iyo meel la mid ah kuma dhalan, oo ma sixi karo maalinta aan dhashay iyo bisha aan dhashay. Qoys xoolodhaqato beerallay ah ayaan ka dhashay. Ishinka kalageddisan ayay dhaqdaan, beero dhawr ah oo deegaanno aan kala dheerayn ku yaallanna waannu qodannaa. Qoys ahaan waxa aannu asal u leenahay waa xool...

Waqti Kooban Horteed: Hayaankaygii Waxbarasho

Image
Waa galab cadceeddu dheertahay. Dhar aan bilic ahaan waycnayn oo haddii uu doonana jeexjeexan ayaan xidhanahay. Joog maanta duhurkii waxoogaa Shaah ah la iigu soo shubay, iyo bac aan laxoox ka cunay oo waxyar ku sii hadheen ayaan gacanta bidix ku sitaa. Ta kalana, ul aan dugaagga iskaga ilaalinayo ayaan ku sitaa. Meel kayna ayaan Adhi ku eegayaa. Taariikhda iyo bisha si saxa uma garan karo, maadaam aan yaraa Taariikhda tirsiga ahna aan inta badan aagga laga aqoon. Waqtigu Jiilaal buu ahaa. Jiilaalkana sida caadada ah beeraha xooluhu daaqayaan lama kala ceshado e dhuldaaqsimeedka wuu furanyahay, qofkastaa meesha uu doono ayuu u foofsadaa xoolihiisa. Adhiga ayaan markaa foofiyay oo meesha aan deggannayay meel ka yara durugsan ayaan saaka aroortii u foofiyay. Wiil cas oo jidh ahaan qurux badan oo casaan ah, da' ahaanna aad iiga wayn, aynna ka muuqato inuu magaalo ka yimid ayaan kulannay. Geed buu fadhiyaa, wuu xarragoonaya oo nin xoola eegis usoo diyaargaroobay ma moodaside in...

Doodda Allayeelka iyo Allediidka

Image
Mawdduuca oo salballaadhan waxa aan isku dayayaa in aan wax ka idhaa, doodda u dhexaysa Alleyeelka iyo Allediidka. Xigashada ayaan badin doonaa, qaybo koobanna waan ka dhigi doonaa. Alleyeel: Waa qofka rumeeyay Allah, inuu jiro, wax maammulo, oo isagu adduunka abuuray, kalana wado. Allediid: Waa qof aan rumeysnayn Alleh. Waxay daliishadaan Allediidku:                 1-      Aragtidii uu Hogaaaminayay faryt Hool, waa odey Ingiriis ah, Fiisikisyahan,   oo Mulxid ah “ Dunidu ma bilaabmine waligeed sidan ayay ahayd, sidan ayayna ahanaysaa. Dadkii hore sidan ayay ku soo gaadheen ~ Stade Steed Theory.” 2-    Waata la yidhaa ‘ Necessity or Chance” Shyega koowaad nasiibuu ku samaymaa oo waa by chance. Dabadeed ‘ Evaluation’ ayaa bilaabmay. Dhammaanna waxa qorsheeyay matter of Chance. 3-    Eval Argument. KIristiyaanka ayaa waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Ilaah d...