Doodda Allayeelka iyo Allediidka
Mawdduuca oo salballaadhan waxa
aan isku dayayaa in aan wax ka idhaa, doodda u dhexaysa Alleyeelka iyo
Allediidka. Xigashada ayaan badin doonaa, qaybo koobanna waan ka dhigi doonaa.
Alleyeel: Waa qofka rumeeyay
Allah, inuu jiro, wax maammulo, oo isagu adduunka abuuray, kalana wado.
Allediid: Waa qof aan rumeysnayn
Alleh.
Waxay daliishadaan Allediidku:
1-
Aragtidii uu
Hogaaaminayay faryt Hool, waa odey Ingiriis ah, Fiisikisyahan, oo Mulxid ah “ Dunidu ma bilaabmine waligeed
sidan ayay ahayd, sidan ayayna ahanaysaa. Dadkii hore sidan ayay ku soo
gaadheen ~ Stade Steed Theory.”
2-
Waata la yidhaa ‘
Necessity or Chance” Shyega koowaad nasiibuu ku samaymaa oo waa by chance.
Dabadeed ‘ Evaluation’ ayaa bilaabmay. Dhammaanna waxa qorsheeyay matter of
Chance.
3-
Eval Argument.
KIristiyaanka ayaa waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Ilaah dadka dadka jecel ayaa jira.”
Dabadeed waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Haddii uu jiro maxay masiibooyinku ugu
dhacayaan, muxuu u ciqaabayaa?’ Waxaanna dooddaa aabbo u ah IBOGRIS, Ninka Dhayfid
Huyuuman buuggiisa saddexda Majallo ah
uu ayuu ku balballaadhinayaa.
Qolada rumaysan in Ilaahay
jiro:
A) Cosmic
Argument. (Burhan Alkowni)
B)
Design Argument.(
Intidaam Alkown)
C)
Fine-tuning Argumenta. ( Adduunyada haddii inyar lagu daro
jiri mayso, haddi in yar laga reebana jiri mayso, wa sida raadyowga.
D) Mabda’
Albashari, Taylar maydh wuxuu yidhi: “ Bini’aadanka Adduunyada waaloo tolay.’
E)
Antological Argument
(Daliil Al Imkaan).[1]
Charles Dickens, oo
Allediid ahaa ayaa la wayddiiyay:‘ Haddii aad Ilaahay hortagto maxaad odhan?’
Wuxuu yidhi waxa aan odhan lahaa wixii uu Boortaraal Raasal yidhi: “ Not Enough
Evidence ~ Caddayn igu filan ima soo gaadhin.”
Dhinaca hoose ayaynnu si faahfaahsan ugu sharraxi:
1)
Cosmic
Argument
Mulxidiinta waxa ay leeyihiin
adduunyadu sidan ayay ahayd ahaaynaysaana. Muuminintuna waxa ay rumaysanyahay
Aayadda “ Dadka ma waxaa la abuurey wax la’aan, mise iyaaba is abuurey…..
Cirkan iyo dhulkan ma iyagaa sameeyay, ma rumeysna…” Suuratu Ad- Daariyat.
A) Waxkasta
oo bilaabmay iyo waxkast oo abuurmay waa inay jirtaa cid bilowday ama abuurtay.
Waxaanna la yidhaa oo culimadii Falsafaddu odhan jireen; ‘ Waxkasta oo
bilaabmay, waa in la helo kii bilaabay ama wixii bilaabay..” ama ‘ Sheykasta oo
soo darriyay waa in la helaa wixii sood darriyay.” William
Lane Craig ( dhashay Ogosto 23, 1949) oo
ahaa faylasuuf Maraykan ah wuxuu Doctarate ku qaatay labada labada qaacido ee
Imaam Al Qasaali. Dabadeed wuxuu qoray buug uu ugu magacdaray “ Kalam
Cosmology,” . Wuxuu yidhi: “ The cosmology, what ever begins to exist has a
couse ~ Waxkasta oo bilaabmay wuxuuu leeyahay cid bilowday.” Waxa ay ku
tacalluqdaa madiqa ‘ Couse and Effect.”
B)
Adduunyadu waa inay
jirto cid abuurtay, oo soo darrisay. Mulxidiinta waxa ay yidhaahdeen adduunyadu
isma baddelayso iyada oo sidaasa uun ba la arkay sidaana way ahaanaysaa
(Internity). Mid ka mid ah ayaa yidhi: ‘ In ay adduunyadu jirto waxaa kuu
caddaynaysa cadceeddu waligeedba sida uun bay ahayd oo halkaa uun bay ka soo
bixi jrtay halkaanna way ka dhici jrtay. Dayaxuna waa la mid.”
William Lane
Craig aragtida labaadna wuu
qabaa oo wuxuu yidhi: “ The Universe began to exist ~ Adduunku marbuu
bilaambay.” Bertrand Russell kii
Ingiriisku wuxuu yidhi: “ The world exist, The universe is juts there, and that
is all ~ Adduunyadu way jirtaa, sidaas ayayna ku dhantahay.” Saynisku hadda
waxa ay sugaysaa in adduunyadu bilaabmatay, iyo in ay ay waxbala’aan ka timid.
Dr Frenki Alon, wuxuu yidhi: “ Adduunyada yaa buuray afar pribality uun baa
jira A) Duniba ma jirtee innagaa riyoonayna waa khiyaali. B) Way soo darriday oo
timid C) Waligeedba way jirtay. D) Iyadaa isa samaysay. Loojig ahaan sidaas
ayay noqonaysaa. Midka khiyaalkan shucurta (dareenka) ayaa igaga abuuran. Ka
sheegaya way iska ahaatayna Saynis ahaan lama caddaynkaro, lama rumayn karo.
Labo masalo uun baa innoo soo hadhay, in aynnu nidhaa waalla aburay Allah ayaa abuuray ayaa jira ama
iyadaa iska jirtay oo asali ah. Haddii aynnu burinno iyadaa is abuurtay,
jawaabka kale oo soo hadhay ma jirto in la yidhaa Allah ayaa buuray mooyaane
wax kale.”[2]
Waxa la isku waafaqsanyahay in aan waxba la’aanka aan la
abuurin (Nothinness) cadamku waxba ma abuuro. Sidoo kale waxa ay yidhaahdaan: ‘
Ficilka waxaa laga dhadhansadaa ka faacilka ah ee sameeyay..” Qofka aan waxba
haysanna waxba ma bixiyo. Tusaale, Computerkan I horyaal hadda waxa aan
garankaraa in ciddii samaysay ay haysatay qalab, alaab, sidoo kale ay wax ka
taqaannay electi
ritiga. Adduunyada
ciddii samaysay waynnu garankarnaa in ay ahayd cid khabiira ah, awood leh,
ogaal badan… Sir Antony Flew wuxuu yidhi: “ In aan rumeeyo in Ilaah jiro naftaa
ku degaysa..” Buuggiiisa ‘ There is A God’ ayuu ku sheegay. [3]
Saynisyahannada qaar ayaa leh waxa jira Oscillation.
Oscillation kaa sina wuxuu ka yimaaddaa Singularity (Nothiness). Singularatigu
wuxuu noqonayaa Big ban Theory, Big ban Theory wuxuu noqonayaa Big Crang. Big
Crangi dibuu u duuduubmayaa oo wuxuun noqonayaa Universe. Aragtidaa waxa keenay
laba nin oo Ruush ah: IFAN JALIN IYO ISAAK Kalatanikoof. Laakiin, toddobo sano
ka dib markii la naqdiyay way ka noqdeen. Qaarbaa yidhi Singularitiga ayay
waxkastaa ku jireen sida Space, Time, Enerjiga iyo waxkasta. Markaa waxa la
iswaddiiyaa yaa qarxiyay ee sheygaa sidaa ka dhigay? Yaa istaadhay? Dabadeed waxa
ay keeneen oo ay yidhaahdeen ‘ shey la’aan ayaa ay wax iman karaan..” Tani waa
mid aan Sayniska boos ku lahayn, Saynisyahannadu marka ay danleeyihiin beenbay
xataa amaamudaan, ayuu Sh. Mustafe leeyahay. Tusaale ayuu soo qaatay, Meel ku
taal Ingiriiska oo la yidhaa Beldoon, ayaa nin intuu soo qaaday madax bini’aadan
iyo daan daayeer ayuu isku rakibay, dabadeed waalla arkay oo inta la soo qaaday
ayaa Museumka la dhigay. Jaraa’iddada Caalamku waxa ay qoreen in caalamku wax
cusub helay, oo bini’aadanka markii uu Evelutionku ku socday ee ay daanyeer
ahaayeen ayaa la helay. 40sano ayuu yaallay Matxafkii, waxaana Ph.D ku qaatay
400 qof! Ugu danbaynna waxaa la caddeeyay in uu yahay been’abuur. Gebogebadii
ogow: Adduunyadu way bilaabantay. Waxbala’aantu waxba ma keento mana abuurto.
Ficilkana waxaa laga dhex akhristaa faacilkiisii.
2)
Design
Argument ( Daliilul Cinaaya~Telelogy).
Sheykasta oo la dhisay, waalla
dhisay oo qofbaa dhisay. Waa macquul. Waxaa jirta ujeeddo (Qaayo) wax u
dhacaan. Aristo wuxuu tilmaamayaa, in ay jiraan Faaciliyaatka afarta ah,
wuxuuna iswayddiinayaa in sheykasta afar su’aalood la iska wayddiiyay: “ Yaa
sameeyay? Maxaa laga sameeyay? (Cilla maadiya). Maxaa loo sameeyay? ( Sidee loo
sameeyay? (Cillaa suuriya)…” Sheykasta oo la sameeyay waxaa laga akhrisan karaa
qofkii sameeyay sida uu ahaa, inuu cilmi lahaa, awood lahaa, ujeeddo laga
lahaa…. Sidaa waxa qaba Saynisyahanno iyo Faylasuufyo badan. Darwin wuxuu
yidhi: “ Suurtagel maaha in aan idhaa adduunka intaa le’eg sutfa cumyaa ayuu ku
abuuray, haddii aaan idhaa waalla abuureyna Ilaah ayaan rumeeyay..”
Sheyga
la qaabaynayaa waa inuu saddex leeyahay:
A) Qaybo
inuu leeyahay (Itimes) kala geddisan.
B)
Waa in uu leeyahay qaab
uu isku qaadanayo.
C)
Waa inuu sabab ama
ujeeddo leeyahay.[4]
Waa aragti sheegaysa in
sheykasta oo adduunka yaalla siduu yahay ay tahay sidii ugu habboonayd, haddi
wax lagu daro ama laga jaro ay xumaanayso nolosha adduunku. Tusaale, cadceeddu
haddii ay halkaa ay joogto in yar ka soo durugto nioloshu may jirteen, haddii
ay sare ugu durugtana nololi may jirteen. Dayaxa, buuraha, badaha waalla wada
mid ah.
Muxuu Ilaahay adduunyada sharka
ula doonay? Miyuu awooddaa in uu joojiyo dagaallada, dhibaatada, xumaanta
sharka?
Alfan Palantika, wuxuu
leeyahay: ‘ Sharku wuxuu u dhacaa waa matter of free, waa yacnihii xorriyad.”
Sharku dhammaantii shar maaha,
faa’idooyin badan ayaa ku jira. Tusaale, Fulkaanuhu haddii uu qarxo, dadbuu
laayaa, oo waa khasaare, sidoo kale, faa’idooyin ayuu leeyahay sida
Saynisyahannadu isku waafaqsanyihiin:
1)
Dhulku waxa ka buuxa
waxyaabo culus oo cidhiidhyaya, wuxuunna u baahanyhay in uu neefsado.
2)
Buuruhu way ka
samaysmaan.
3)
Macdanta ayaa ka
dhalata.
4)
Carronafaqeeyayaal ayaa
laga helaa.
Imaam Qasaali wuxuu yidhi: “
Adduunku inuu nusqaan leeyahay waa quruxdiisa.”
1-
Adduunka wax shar
badhaxtiran kama jiro.
2-
Qofkan ka hadlayaa
wuxuuna fahansanayn in adduunyadu tahay imtixaan.
4)
Antological
Argument
Waxa ay leeyihiin saddex ayaa jira:
A) Mustaxiil
waa in uu jiraa
B)
Waa suurtagel in uu
jiraa.
C)
Waa waajib in jiro.
Goodar Kuudha, oo ahaa Elberta saaxiibkii aragtidan ayuu
qabaa.
Antony
Garrard Newton Flew,
Wuxuu dhashay 11 Febraayo, 1923kii. Waxa uu
ku dhashay London, UK. Wuxuu ahaa Faylasuuf Ingiriis ah. Wuxuu aad u
xiisanjiray, shaqadiisuna u badnayd Falsafadda Diinta (to the philosophy
of religion).
Wuxuu aaad ugu ololayn jiray Allediidnimada. Masalooyinka uu
inta badan diidannaa ee uu ku caanbaxay waxa ka mid ahaa soo noolaynta
dhimashada ka dib (Life After Death).
Sannadihii
1949–50kii, Flew, wuxuu ahaa macallin Falsafadda dhiga ka noqday Christ
Church, Oxford. Sannadkii 1950kii illaa 1954kii, wuxuu
macallin ka ahaa University
of Aberdeen. Sannadkii
1954kii illaa 1971kii wuxuu Barafasoor Falsafadda dhiga ka ahaa University of Keele.
Sannadkii 1971kii illaa 1973kii, wuxuu Barafasoor ka ahaa Jaamacadda Calgary. Sannadkii 1973dii illaa
1983kii wuxuu Barafasoor Falsafadda ka dhigiu jiray University
of Reading.
Waa Allediidkii ugu weynaa qarnigii 20aad, wuxuunna qaatay
Sir professor. Dhammaan Allediidka kalana isaga ayay shaadhkiisa ku dabagabban
jireen.
Jaamacadda Texas Warren ayaa Flew iyo Thomas Warren dood loogu qabtay. Ladhku wuxuu ahaa (Ilaahay
ma jiraa mise ma jiro?) Waa 1976kii. Waxa ay socotay 4habeen, habeen walba
waxaa imanayay 5000 illaa 7000 kun oo qof. [ Sh. Mustafe].
Sannadkii 2014tii, ayuu aragtidiisii hore ee ahayd (In uuna
Ilaah jirin) baddelay, oo wuxuu u baddelay in uu ugu yaraan Allah wax abuuray
jiro (Supernatural). Sida la sheego
waqtigaa wuxuu joogay Maraykan oo uu dood ku galayay. Waanna Allediidka ugu
afka dheerleh Allediidyada ee ay dahmmaantood ku dabafaylaan. Markii uu sheegay
in uu Alle jiro. Saaxiibbadii iyo dadkii ay aragtiwadaagga ahaayeen way
gariireen oo shoog oo kale ayay ku noqotay. Islahadal badan dabadeed, waxa ay
yidhaahdeen: ‘ Wuu gaboobay, oo geerida ayuu ka baqay.” Wuu usoo jawaabay oo
wuxuu yidhi “ Aakhiro ma rumeysane, Allah inuu jiro ayaan rumeystay.” Haddana
inyar ka dib waxa ay yidhaahdeen ‘ Wuu asaasaqay oo wuxuu ku hadlayo ma
garanayo e waa loo soo qoraa, oo Roy Abraham Varghese ayaa usoo qoray!’ Waxa
uu yidhi: “ Inaan asaasaqay iyo in kale iska daaya oo daliilbaan keenayaaye ka
jawaaba.” Hadda wuxuu haystaa aragtida
ah in uu jiro Ilaah wax abuuray (Deism). Waa sidii ay rumeysnaayeen gaaladii
Qureysh markii Nebi Muxammed SCW noolaa. Sannadkii 2007dii, ayaa waxa uu
daabacay buuggiisa uu ula baxay ( There Is A God ~ Ilaahbaa Jira.) Waxaanna ka
caawiyay Roy Abraham
Varghese.[5]
Xigashooyin
Waxa ugu badan waa muxaadarooyin aan dhagaystay oo Sh.
Mustafe jeediyay, kuwaa ayaan anuu qoraal u rogay. Meelahaanna waan xusayaa:
-
Sh. Mustafe. https://youtu.be/KMTFzqBBzLw?t=48m27s
)
-
Xigasho: (https://en.wikipedia.org/wiki/Antony_Flew
iyo Sheekh Mustafe).
-
Sidoo kale Canjaladdan Sh. Mustafe ayaan waxbadan ka qoray oo ka soo
xigtay;
(https://youtu.be/qUr8hyLYavM ).
-
Halkan ayaan ka soo
xigtay (https://youtu.be/bmDQ_oi2y7s ) Saint Thomas Aquas halkan ka eeg: (https://en.wikipedia.org/wiki/Thomas_Aquinas )
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
[1] Halkan Sh. Msuatfe X Ismaaciilhttps://youtu.be/KMTFzqBBzLw?t=48m27s
)
[3]
(Sh
Mustafe X. Ismaaciil).
[4]
Halkan
ayaan ka soo xigtay (https://youtu.be/bmDQ_oi2y7s ) Saint Thomas Aquas halkan ka eeg: (https://en.wikipedia.org/wiki/Thomas_Aquinas )
Comments
Post a Comment