Maxay dad badan shiid u yihiin?
- Waayo waxa ay iska dhigaan dadka hantiilayaal u eeg oo waxa ay isku dayaan inay bulshada u muujiyaan inay hodanyihiin, oo muuqaalkooda iyo noloshooda ayay kallifaan oo ka badbadiyaan, sababta ay sidaa u samaynayaana waa inay dadka istusaan oo bulshada ka yaabsadaan.
- Dadka shiidka ahi waxa ay iska ilaaliyaan ama iskaba daayaan inay bartaan xirfad cusub.
- Dadka shiidka ahi waxa ay ka cabsadaan inay khatar galaan oo khatar u badheedhaan.
- Dadka shiidka ahi waxa ay rabaan inay si degdega oo bilaa hawla lacag ku helaan- iyaga oo aan u dhididin, watqina gelin.
- Dadka shiidka ahi si degdega ayay isku dhiibaan, oo haddii ay wax bilaabaan markaaba way joojiyaan.
- Dadka shiidka ahi waxa ay ka cawdaan duruufaha iyo nolosha, waa dad cabasho badan.
- Dadka shiidka ahi waxa ay iska indhatiraan ama ay dayacaan fursadaha yimaadda, fursadda timaadda kama faa’idaystaane way isdhaafiyaan.
- Dadka shiidka ahi ma maalgeliyaan naftooda.
Diyaarin: Cabdirisaaq Sandheere
11 Juun, 2026
Comments
Post a Comment