5 ta Tiir ee ay tahay in ninkastaa la noolaado
1- Ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya: In aad hal meel oo kaliya ka heshid dhaqaale bishii, toddobaadkii ama maalintii waa khatar wayn, waxa aad qarka u saarantahay saboolnimo, waayo noloshaadu waxa ay ku tiirsantahay halkaas il, haddii ishaasi go’do geeddisocodka noloshaadu way istaagaysaa. Sidaa darteed, ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya, samayso dhawr il oo dhaqaale kaa soo galo maalintii, toddobaadkii ama bishii.
2- Keydso lacag ka hor inta aanad waxba kharashgarayn: Dad badan waxa ay wax keydsadaan marka ay kharashaadka bixiyaan wixii soo hadha, haddaba waxa muhiima in qofku keydsado marka wax soo galaan, ka dibna kharash gareeyo wixii keydka ka soo hadha.
3- Maalgashi samee inta ayna aanad baddelin habnololeedkaaga: Marka dakhligaagu kordho, lacagtaada ha ku bixin raaxo iyo kharash badan markiiba; marka hore maalgashi ku samee wax kuu soo celinaya faa'iido mustaqbalka. Maalgashi samee markasta, ha joojin maalgashiga.
4- Baro xirfad aad loogu baahanyahay oo dakhli ka heshid: Waxa aad barataa xirfad qaaliya oo dakhli badan ku soo gelinaysa.
5- Iibso hanti faa'iido kuu keenta, hana iibsan waxyaabo kugu noqda culays iyo kharash: Marka aad wax korodhsanayso soo kordhi wax naftaada faa’ido u ah. Se ha soo kordhin wax khasaare kugu keenaya.
Source: Mastering Manhood
Diyaarin: Cabdirisaaq Sandheere
25 Juun, 2026
Comments
Post a Comment