Xeerarka aan qornayn ee ay tahay in qofkastaa ogaado
1- Ilaali dadka kaa hooseeya, tixgelinna u muuji dadka aad isku mustawaha nololeed ama shaqo tihiin.
2- Marka aad marti tahay ee lagu casuumo waxba ha ka sheegin cuntada lagu siiyo.
3- Ha cunin inta ugu danbaysa shay aanad lacagtiisa bixin.
4- Marka aad gorgortan gelaysid ha noqon qofka u horreeya ee sicirka ama qiimaha isagu sheega ee miiska keena.
5- Waxa aad joojisaa in aad waqti iyo tamar siisid dadka liita iyo kuwo aan macnaha lahayn ba.
6- Canaanta adigu qaado, balse had iyo jeer sii oo sheegta cidda leh ammaanta iyo bogaadintaba ee hawsha qabatay.
7- Haddii aan lagu casuumin, ha codsan in lagugu daro casuumadda.
8- Qofna ha ka baryin inuu ku jeclaado ama dareen ku siiyo.
9- Had iyo jeer si wanaagsan u lebbiso, waayo lebbisku wuxuu muujiyaa ixtiraam.
10- Had iyo jeer waxoogaa lacaga oo caddaana Jeebka ku qaado.
11- Wax dhegayso, madaxa lul oo qofka kula hadlaya indhihiisa fiiri.
12- Xakamee cadhadaada, cadhadu waxa ay yaraysaa awooddaada, waxayna kaa dhigtaa qof jilicsan.
13- Si daacada u hadal markasta. Fahan waxa aad ku hadlaysid, kuna hadal wax aad fahmi kartid.
Comments
Post a Comment