Turjumaadda buuga ‘ The Rules of Wealth `Xeerarka Hodannimada.’

 



 Muddo 3 sano ah ka dib waxa ii dhammaaday turjumaadda buugan qiimaha leh ee ‘ The Rules of Wealth `Xeerarka Hodannimada.’ Waa buug ka mid ah buugta suuqa iibka buugaagta ugu iibka badan ( Best Selling Books.’ Buuga waxa qoray qoraa wayn oo arrimahan hanti samaynta aad ugu xeel dheer, waqti badanna ka hadlayay, waa qoraa Richard Templar oo ahaa qoraa iyo tifaftire Ingiriiska u dhashay. Richard Templar waxa ay ahayd magaca qalinka ee qoraaga, se magaciisa caadiga ahi wuxuu ahaa Richard Craze. Richard, wuxuu dhashay sannadkii 1950kii, wuxuuna geeriyooday sannadkii 2006dii.

Sannadkii 2022kii ayaan shaqadiisa iyo turjumaaddiisa bilaabay, sannadkan 2025 waan tifaftiray oo hawshiisa dhammeeyay. Waxa laga yaabaa in aad iswayddiinayso 3 sano sidee 1 buug loo turjumi karaa? Waa gartaa, ujeeddadayda ayaa ahayd inkasta oo ay igu qaadato in aan bulshada u soo kordhiyo oo horkeeno buug macno leh oo cashir iyo xog laga qaadan karo. Mid ogoow, markasta oo waqtiga hawsha lagu qabanayaa dheeraado waa markasta oo maxsuulka soo baxaa macno yeesho. Waxkasta oo macno lihi waqti buu qaataa. Waxa aan isku dayay inaan af Soomaali fudud oo la fahmi karo ku turjumo, waaqicana ku saleeyo oo ka soo qaado inuu duruufta dhaqaale ee dadkeennu ku suganyihiin ka hadlayo, xalkoodiina sheegayo. Waan ku faraxsanahay in tacab aan 3 sano waday gugan 2025 sii dayn doono, oo bulshadu ila eegi doonto.
Muddo badan waxa aan iswayddiinayay wax ka qor arrimaha la xidhiidha ‘Samaynta lacagta iyo hababka loo heli karo hantida.’Buug badan ayaan baadhay, qaar bandanna waan akhriyay. Markii aan dhinac kasta ka eegay buugii ugu wacnaa ee sida ugu quruxda badan mawduucaa u qaadaadhigay wuxuu ahaa buugan hortaada yaalla ee ‘Xeerarka Hodannimada.’
Buugu wuxuu ka hadlayaa mawduuc muhiima oo qofkasta anfacaya. Waxa jirta odhaah hore oo tidhaahda “ Lacag, lacag, lacag, waa shayga cidkastaa ka fekerto.” Dabcan waa run, way adagtahay in la helo qof aan ka fekerayn lacag. Sababta aynu u rabno ee u xiisaynayno misana u ilaalinayno lacagtu waxa weeyaan waxa ay innoo tarayso ama waxyaabaha ay innoo fududaynayso awgeed.Waa mawduuc aan isleeyahay qofkasta oo Soomaali ahi waa muhiim inuu xog iyo wuxuun ka haysto, am aka fahansanyahay. Waa mawduuca la xidhiidha hanti samaynta ama sidii qofku u baran lahaa jidka uu la lacag ku samayn karo iyo jid aanu lacag ama hanti ku samayn Karin. Buuga gebigiisuba waa xeer iyo tijaabo, wuxuu kuu sheegayaa sida hanti aad u samayn lahayd iyo waddadii aad mari lahayd. Sidoo kale, wuxuu kaaga warramayaa sidii lacagta aad hesho aad u kobcin lahayd, u korin lahayd, u kaydsan lahay, u maalgelin lahayd, ugana dhigi lahayd mid shaqaysa oo lacag kale sii dhashay.
Waa buug ku dhexgelinaya badwaynta maalqabeennimada. Wuxuu kaa waraabinayaa badda ceegaagta ee la xidhiidha lacag samaynta iyo abuuridda hanti waarta oo manfac leh. Lacag ama hanti qofku yeesho waxa ugu wacan ta uu qofku u dhidido ee xoogiisa ku keeno. Wixii aan qofka dhididkiisa fekraddiisa, maskaxdiisa iyo muruqiisa ka iman meel dheer ma gaadhsiiyaan, uma intifaacsado sida uu u intifaacsado.
Ciwaanka buugu waa ‘ The Rules of Wealth’ Af Soomaali waxa ugu dhaw ‘ Xeerarka Hodannimada.’ Akhriste, haddii cinwaan kooban ku darsan kartid way wacnaan lahayd, magic kaa Ingiriisiga ah innoo buuxin kara ku darso.
Buugu dhawaan buu suuqa soo geli doonaa, daabacaaddiisii iyo qorshihiisiina wuu socdaa.
Mahadsanidiin.
Cabdirisaaq Sandheere
Ogosto, 2025

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”