Faallaynta buuga “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo “ How Rich People Think~ Sidee
hantiilayaashu u fekeraan?’ waxa qoray qoraa Steve Siebold oo ah qoraa inta
badan wax ka qora arrimaha hodannimada, caadooyinka, iyo arrimaha la xidhiidha
hodannimada. Isagu heer ahaan wuxuu ahaa hantiile. Buuga markii 1aad waxa la
daabacay sannadkii 2010kii.
Qoraagu wuxuu isbarbardhigayaa habfekerka, caadooyinka,
habdhaqanka iyo guud ahaan geeddisocodka hantiilayaasha kala duwan, marka laga
hadlayo dhinaca hanti samaynta iyo hantida. Farqiga u dhexeeya hantiilayaashu
wuu kala duwanyahay.
Nuxurka buuga
Qoraagu wuxuu buuga ku xusayaa habfekerka iyo sida maanhagga
qofku qayb uga yahay guusha hanti samaynta. Dhawrkan qodob ayaan ka xusaynaa:
1-
Hodannimadu waxa ay ka
bilaabantaa maskaxda: Buugu wuxuu qalinka ku adkaynayaa in samaynta
hantidu ka bilaabanto in abuuro maanhag iyo habfeker saxan. Sida aad hantida
uga fekertid qayb wayn ayay ka tahay oo u saamaysaa natiijada hodannimadaada.
2-
Diiradda saar fursadaha, se diiradda ha
saarin caqabadaha: Dadka hantida sameeyay waxa ay xooga saaraan fursadaha
ay haystaan, in ka badan inta ay xooga saaraan caqabadaha. Waxa ay raadiyaan
xal iyo qaabab ay kula tacaali karaa xaaladaha, iyaga oo diirrada saaraya
habfeker hore oo waxa iman kara ka sii horreeyaba.
3-
Maalgeli aqoontaada iyo horumarinta naftaada:
Waxbarasho joogto ahi waxa ay astaan u tahay calaamadaha hodannimada.
Hantiilayaashu waxa ay maalgeliyaan waxbarashada, aqoonta ay u baahanyihiin iyo
xirfadaha qaadhaanka ku darsanaya guushooda.
4-
Hantiilayaashu waxa ay xisaabiyaan
khataraha: Dadka guulaystayaasha ahi waxa ay xisaabiyaan khatarta, waxayna
fahmaan inta ay leegtahay fursadaha ka iman kara inta dhibaatadu leegtahay.
Waxa ay si deggan u qiimeeyaan fursadaha, waxayna gaadhaan go’aanno laga
fiirsaday.
5-
Waqtigaaga qiimee: Waqtigu waa khayraad
qaaliya. Dadka hantiilayaasha ahi inta badan way ka faa’idaystaan waqtigooda,
waxayna diiradda saaraan waxqabadka dhaqdhaqaaqa badan ee faa’idada badani ku
jirto, waxayna iska ilaaliyaan waxyaabaha waqtiga ka lumiya ee maalaayaciga ah.
6-
Yeelo ilo dhaqaale oo badan: Hanti
samaynta ama hodannimadu waxa ay ka timaaddaa qofka oo leh ilo dhaqaale oo
badan. Shakhsiyaadka hantida lihi waxa ay leeyihiin ilo dakhli oo kala duwan,
dakhligaas oo kor u qaada degganaanshahooda dhaqaale.
7-
Diiradda saar yoolasha
waqtiga dheer leh: Hantiilayaashu waxa ay leeyihiin yool muddo dheer
ah oo waqti dheer qaata. Waxa ay dejistaan ujeeddooyin, yoolal la taaban karo,
waxayna ka shaqeeyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen. Waxayna fahansanyihiin in
guushu tahay orod, se ayna ahayn wax hal mar la gaadho.
8-
Soo dhawee isbeddelka: Dadka
guulaystayaasha ahi waa kuwo soo dhaweeya oo la qabsada isbeddelkaWaxa ay
rumaysanyihiin in hannaanka shaqada uu ka mid yahay dhaqdhaqaaqa ama
isbedbeddelku, In hore loo socdaana inta badan waxa ay la xidhiidhaa in lala
qabsado farsamo cusub iyo isbeddellada dhacaya.
9-
Si ballaadhan u feker: Hantiilayaashu si
ballaadhan ayay u fekeraan, waxayna leeyihiin hadafyo waawayn. Ujeeddada
yoolasha waawaynina ma aha in laga cabsado in lagu riyoodo arrimo waawayn.
10-Qaad
masuuliyadda ka yimaadda dhaqaalahaaga: Buugu wuxuu xooga saarayaa
muhiimadda uu leeyahay dhaqaalaha shakhsiga ahi. Dadka hantiilayaashu way
fahmayaan in ay iyagu masuul ka yihiin maamulka dhaqaalahooga, iyo inay iyagu
yeeshaan lahaanshaha go’aannadooda.
Gebagebo
Buuga intaas ayuu ku dhanyahay, waxaanan isleeyahay qofku
waxbadan ayuu ka faa’idi karaa. Waxa aan rejaynayaa in la akhriyo oo waqti la
geliyo.
WQ: Dr. Fami ( English.
Diyaarina: Cabdirisaaq
Sandheere
Oktoobar, 2024
Comments
Post a Comment