Posts

10 Xaqiiqo oo ku saabsan Lamafilaannada iyo Layaabbada Waqti Xaadirkan!

Image
   1-       Waxaan arkay dadka waqtigeennan jooga, kuwaas oo noloshooda ka dhigtay nolol is rogrogid  iyo isbed’baddel joogto ah ku jirta, qiyamka ku adkaysigiisu wuxuu noqday wax maskax ahaan loo neceb yahay oo nijaaso ah, halka qofkii Muslimka ahaa ee hore ugu dagaallami jiray fekrad iyo mabda’ dadkana ku boorrin jiray, hadda wuxuu si ceeb la’aan ah ugu baaqaa qabyaalad, xitaa carruurtiisana wuu ku barbaariyaa qabyaaladda, isagoo ku dhiirrigelinaya in ay qabyaalad darteed dadka ku jeclaadaan, uguna gargaaraan jacaylkeeda iyo u hiilinteeda- xataa haddii ay ka hor imanayso mabda’ooga. Ma aha wax lala yaabo isbeddelka ku dhacay dadka qaar ka mid ah dadka waqtigan nool, balse yaabka ugu weyn wuxuu yimaadaa marka la arko dadka culus ee ku adkaysta mabaadi’dooda, markaasna la isweydiiyo: Sidee dadkani ugu adkaysteen mabda’yadooda? Maanta, dadka u muujiya dabacsanaan laga muujiyo diinta iyo fekerka waxaa loo arkaa xirfad yo caqli, halka ay shalay ...

Ka faa’idayso sannadka cusub 2026

Image
Hordhac Waxa innoo bilaabmay sannad cusub. Waa waqti cusub iyo waayo cusub oo u baahan in laga faa’idaysto, waxna qofku iska wayddiiyo sidii uu fursaddaas cusub uga faa’idaysan lahaa. Waxa jira dad badan oo aan gaadhin sannadkan, way kula joogeen sannadkii hore ee 2025ka, balse maanta ma noola oo way innaga hooseeyaan, wayna dhinteen. Fursad wayn ayaad haysataa oo aad dadkaas kaga duwantahay, waana in aad nooshahay. Waxa jira dad badan sariir saaran ama dhakhtar ku jira, dadkaas oo aan awoodin in ay kacaan ama wax qabsadaan. Adigu in aad caafimaad qabtid oo aad socotid waa fursad aad haysatid iyo jaanis wayn. Waxa jira dad xabsi iyo jeel ku jira oo aan albaabka dhaafi karin, dadkaasi oo aan haysan xorriyad iyo madaxbannaani midna. Balse, taa cagsigeeda adigu waxa aad haysataa xorriyad iyo madaxbannaani dhammaystiran oo ma jirto cid ku haysata ama kuu diidaysa in aad hawlahaaga qabsatid. Sideed uga faa’idaysanaysaa? Maadaama aad sannadkan nolol dhammaystiran ku gaadhay, dhakhtarna aanad...

Milicsigayga Sannadkan 2025 ( My Annual Review In 2025)

Image
Hordhac Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2025ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2025 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo ma...