Posts

Haddaad rabtid in aad noqotid aqoonyahan...

Image
  Maaha kaliya in aad noqotid shaqaale ama kaliya in aad xafiiska Jaamacadda iyo Maktabaddeeda iska joogtid. Waa in caqligaagu xanbaaro wayddiimo waawayn, sidaa si la mid ah waa in qalbigaagu qaadi karo masuuliyadda jawaabta. Waa in aad xaqiiqsatid in aanad kaliya ahayn in aad aqoon yeelatid, balse waa in aad yeelatid wacyi, iyo qof abuuraya hiddidiilo iyo rejo. Aqoonyahanoow, masuul baad ka tahay hadalka iyo kalmadda aad ka odhanaysid madalaha iyo meelaha aad muxaadarooyinka ( Lectures ka) ka jeedinaysid; sida aad masuulka uga tahay aamusnidaada marka aamusnidu tahay khiyaano iyo mid lagaga gabbanayo sheegidda xaqa.  Adigu ka liya    ma tihid cilmibaadhe, balse waxa ku saaran in aad noqotid aqoonyahan damiir leh, qof wax naqdiya, iyo in aad noqotid qof bulshada ku xidha oo gaadhsiiya jaamacadda, iyo in aad  la timaaddid  aragti shaqaynaysa.  Kuguma filna kaliya in aad cilmibaadhis qortid, oo aad faafisid. Su'aasha runta ahi waxa ay tahay: Weli ma keen...

Maxaynu ka baran karnaa QISADII NEBI YUUSUF?

Image
    Waxa aan in badan iswayddiinayay sirtii ka danbaysay in Nebi Yuusuf wanaag sameeyo oo dadka u wanaajiyo iyada oo haddana isagu yaraantiisii dhibaato soo arkay oo nolosha dhinaceeda xun uun usoo dhadhamiyay? Sidee qof wanaagsan u noqday isaga oo duruuf adag soo maray?  Jawaabta waxa aan ka helay dhammaadka Qisada Nebi Yuusuf, Quraanku isaga oo ka warramaya Nebi Yuusuf wuxuu yidhi: “ Alle wayne ayaa i wanaajiyay…” Nebi Yuusuf dhibaatadaas uu la kulmay iyo caqabadahaas ba wuxuu u arkaa wanaag iyo Ixsaan xagga Alle ka yimid iyo in Alle u naxariistay.  Nebi Yuusuf ma odhan maxaa la ii xidhay iyada oo la i dulmiyay, balse taas baddelkeeda wuxuu yidhi sida Alle xusay “ Alle wuu i wanaajiyay markii uu jeelka iga soo saaray...”  Nebi Yuusuf isma wayddiin oo ma odhan maxay ‘ Maxay walaalahay waxaa iigu sameeyeen?’ Balse, wuxuu yidhi sida Alle ka warramay ‘.. Markii aniga iyo walaalahay shaydaan isku kaaya dhuftay…’ Xataa markii gabadhii boqorku damacday ee fidnadu ka ...

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Image
   Markii aad akhridid 10 buug: Waxa aad isdareensiin in aad ahay qof adduunyada fahmay oo waxa aad isku qaadan in aad tahay qof awooda inuu waajihi karo Faylasuufyada iyo khubarada waawayn. Bunka ayaad caashaqi oo ku labaceshayn, waxaanad dooran in aad fadhiisatid maqaaxiyaha oo kursi gaar ah ayaad isku kala bixin.  Marka aad 50 buug akhridid:   Waxa aad qaadan qalin oo waxa aad bilaabi in aad buug akhridid, buuga aad akhriyaysidna ka reebatid nuxur, xataa mararka qaar waxaabad ku qoran jeldiga buuga ( iyo meelaha bannaan).  Marka aad 100 buug akhridid:  Waxa aad kala saari doontaa buugta xulka ah ee wanaagsan iyo buugta liidata ee aan waxbadan kugu kordhinayn.  Marka aad 250 buug akhridid:  Dadka ayaad inta badan ka fogaan, oo waxa aad noqon kelidii socde; mana xiisayn doontid heesaha qarxay, iyo barnaamijyada faafay ee bulshadu ku yaacday, oo waxa aad iskaga noolaan caalamkaaga kuu gaarka ah.  Waxaanad raadin sida qofka waalan uu u ra...

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’

Image
   Hordhac Buugan cinwaankiisu yahay ‘ Ragga oo kaliya’ waxa cinwaan hoosaad u ah ‘ Xeerarka la dhaqanka dumarka.’ Waxa qoray Dr. Ad’ham Sharqaawi. Waxa luuqadda Af soomaaliga ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah qoraa iyo turjumaa turjumay buugaag badan oo uu ka midyahay buuga ‘ Salaad baa I dhaaftay.’ Buugu waxa uu ka warramayaa habdhaqannada lagula dhaqmayo dumarka, habfekerka dumarka iyo guud ahaan nolosha dumarka. Wuxuu qaab wanaagsan ka bixinayaa xeerarka ay tahay in raggu kula dhaqmaan dumarka. Nuxurka buuga Marka hore waxa uu qoraagu ka warramayaa abuurka labada jinsi ee ragga iyo dumarka. Wuxuu qoraagu ku bilaabayaa in sida qudha ee lagu fahmi karo mawduuca kala duwanaanshaha labada jinsi waa in loo noqdo asalkii abuurta insaanka. Eebbe SWT, wuxuu doonay in la dego meerahan aynu ku noolnahay, waana sidii dhacday oo dhoobo ayaa uu u ka uumay hummaag dada oo u uku farayaraystay, ka dibna wuxuu ku afuufay ruux. Aadan oo bashar dhammaystirana ayaa istaagaya, ha ahaatee ...

Shaqadii iigu horraysay.

Image
  Maadaama maanta tahay maalintii Shaqaalaha Adduunka (May 1), waxa aan rabaa in aan xasuustayda dib u celiyo. Shaqadaydii iigu horraysay waxa ay ahayd Macallinnimo guri ( Home teaching). Wa markii aan Quraanka xifdiyay, Dugsigana ku jiray. Baahi wayn baan u qabay, maadaama ay ugu yaraan wax ii tarayso. Lacagta aan bisha ka heli jiray $15 bay ahayd. Si kasta oo ay u yartahay, haddana wax wayn bay ii qaban jirtay.  Bilihii ugu horreeyay waxa aan ka iibsaday Khamiiskan aan xidhanahay. Waxa la iga siiyay $13, waxaanan ka toshay Dawaarle Boorama ka caan ahaa. Khamiisku wuxuu ahaa Dirays ay lahaayeen Jamciyaddii Al Huda Wal Furqaan oo ahayd urur dhallinyaro ahaa, oo aannu ku midawnay ardaydii aanu isku Maddarasadda Al Furqaan ( Xaaji Kuul) wada dhigan jirnay. Macallin dhallinyaro ahaa, oo aan waxbadan naga waynayn, se caqli badnaa ayaa hormuud noo ahaa waqtigaas. Ardaydii aanu ku wada jirnay Jamciyaddu Dirayskaas ayay soo wada tosheen, anna aniga oo xiisahaas qaba ayaan in badan k...

Muxuu Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada?

Image
  1- Alle markii uu ka warramayay Nebi Muuse Hooyadii wuxuu Suuratu Al Qasas ku yidhi: " Si ay ugu ila qabawsato, oo ayna u murugoon." -قال تعالي في سورة القصص: "كي تقر عينها ولا تحزن" 2- Alle wuxuu Suurqtu Al Axsaab ku yidhi: " Si ay indhahoodu ugu qabawsadaan, oo ayna u murugoon..." -وفي سورة الأحزاب: "أن تقر أعينهن ولا يحزنّ" 3- Alle markii uu Maryama ka warramayay wuxuu yidhi: " Waa loo dhawaaqay, waxaana loo sheegay in ayna murugoon..." -وفي سورة مريم: "فناداها من تحتها ألا تحزني" Aayadahani waxa ay ka warrmayaan in ayna murugo dareemin dumarku. Waayo, murugadu dumarka way u darantahay oo si gaara ayay dumarka u saamaysaa. Murugadu waxa ay dishaa dareenka gabadha, waxayna meesha ka saartaa quruxda gabadha, oo gabadha waxa wejigeeda ka muuqanaya awood darro iyo daciifnimo. Sidoo kale, murugadu waxa ay saamaynaysaa hoormoonnada dheddignimada ee gabadha, oo waxa suurtagala in gabadhu murugo darteed dhali waydo! Badanaa o...

Asxaabigii jacaylka u qaaday Nebi Muxammad SCW

Image
  Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka (Laa Ilaaha Illalaah, Muxammadu Rasuululaah) u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed (NNKH) Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nabi Muxammad na (NNKH) magaalada Maka ayuu ku noolaa. Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nabigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nabi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nabi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay. Markii uu Madiina waxyar joogay Nabi Muxammed (NNKH), ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nabiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qa...