Posts

Barnaamijka Caroogyada Qayladhaanta: Baadhista Maskaxdii ka Danbaysay Qaraxii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar)

Image
Qadhiidh ka mid ah buugga “ Dhabbadii Dhibaatada” Barnaamijka Caroogyada Qayladhaanta: Baadhista Maskaxdii ka Danbaysay Qaraxii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar) Xagaagii Sannadkii 2002dii ka dib markii aan ka soo laabtay London waxa aan tagay magaalada Karaaji. Waxaa dhegahayga ka sii guuxayay hadalka Madaxii Waaxda Millatariga Al Qaacida Khaalid Sheekh Maxammad, hadalkaas ayaa maskaxda igaga soo dhacay ka dib markii ay geesaha iga soo galeen basaasiinta iyo kuwa u shaqeeyaaba. Khaalid Sheekh Maxammed ayaa markii koowaad igu yidhi: “ Marka u horraysaba haddii ay kuu yimaaddaan AYDAASI (isaga oo u jeeda Wakaaladda danbibaadhista iyo Sirdoonka Maraykanka ‘CIA’) iyo kuwa la midka ah ee daartaas ku sugan oo uu ula jeedo meesha la yidhaahdo MI6. Waaba haddii ay ku yimaaddaane, waxa ay ku wayddiin doonaan waxaasi iyo waxaasi.” Muddo hadda laga joogo 5 bilood ka hor waxaa la xidhay Ramsi Binu Shayba oo ahaa dadkii ku eedaysnaa qaraxaas, oo aan anna muddo yar ka hor kula kulmay guri aamin a...

Masar 2011-2021: Maxaa ka Qaldamay?

Image
Toban sano ayaa laga joogaa markii muddaharaaddada baaxadda leh ama culusi ka bilaabmeen Masar ee lagu magaacabay ;waqtigii la afganbiyay maamulkii talinayay waqtigaas’ oo ahayd sannadkii 2011kii. Muddaharaaddadani waxa ay ahaayeen kuwo ay sababeen isbeddelo qotodheer oo xidhiidhsani, waxaana yimid isbeddel ayna muddaharaadayaashu filanayn. Dhab ahaan, inkasta oo ay jirtay oo la rabay in la afganbiyo maamulka meesha ka jira oo la xoreeyo hab siyaasadeedka meesha, haddana maamulkii waqtigaas jiray wuxuu isku baddelay maamul Ciidan oo kelitaliye ah, oo qarankii isbeddel ku sababay, dhaqaalihiina baddelay oo ka dhigay mid uu Al Sisi ka macaasho. Nuxurka, awooddu waxa ay gacanta ugu jirtay Millatariga, waxaana si toos ah la iskugu maamulayay xeerarka Millatariga. Awooddan la isku xukumayay waxa hoosta laga xarriiqay habka loo yaqaanno ‘ Casriyayna Qaranka’ oo goobaha dawladaha Rayidka ah waa la maamuli jiray oo dadka ayaa gacanta ku hayay sida dhinaca ammaanka, wadidda shaqada maalinla...

Milicsigayga Sannadkii 2021( My Year in Review 1021)

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2021 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,   iyo IWM. Akhriska   Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba...