Waxyaabo ay waajibtahay In aad ku dhaqanto:
- Hadalka yaree: Dhaawaca ugu badan ee ku soo gaadha afkaaga ayaa kuu sababaya.
- Kelidaa faraxsanow: Haddii aad farxaddaada cid ku xidhid la’aanteedna aanad farxi karin marka horaba daciif baad ahayd.
- Kelidaa la daalaadhac hawlahaaga: Qofna uma baahna inuu ogaado halgankaaga iyo hawlahaaga.
- Ha ku ciyaarin meesha aad dakhliga ka heshid: Qofka shiidka ah cidna ma jecla.
- Sir yeelo: Inaad si xad-dhaaf ah u wadaagto arrimahaaga gaarka ah waxay noqon kartaa inaad naftaada waxyeellaynayso ama caqabad kugu keento.
- Xasilloonidaada ilaali: Baro in aad socotid oo hawlahaaga ku fooftid adiga oo aan sharraxaad ka bixin ama faahfaahin.
- Cadhadaada maamul: Hal mar oo aad cadhootid ayay waxbadan kaaga xumaan karaan.
- Jooji in aad iska dhaadhicisid gabadhkasta: Anshax yeelo oo naftaada xaqdhawr.
- Xuduud yeelo: Qofkastaa uma qalmo inuu ku helo oo waqtigaaga iyo tamartaadu maaha timir xabaal taalla.
Comments
Post a Comment