Waxa aad tahay waxa aad aaminsantahay

 



1-     Ha odhan ‘ Haa’ haddii aanad ku qanacsanayn oo raalli ku ahayn.

2-   Adigu waxa aad tahay celcelis dadka aad waqti la qaadatid ee inta badan ag joogtid.

3-   Caafimaadkaaga maalgeli: Cunto dheellitiran cun, hurdo wanaagsan seexo, jimicso, jidhkaaga ilaali, timaha iska jar- saamayntaas waxa aad dareemi doontaa marka aad da’ noqotid.

4-   Ku hammi in aad noqotid qofka ugu fiican 1% hal shay, ama noqo qof waxyaabo badan ku fiican 10%.

5-    Baro sidii aad si wanaagsan ugu dhisi lahayd fekradahaaga- haddaa xirfaddan baratid dadka waad saamayni.

6-   Samayso keyd dhaqaale oo aad isku hallayn kartid si aad fursad ugu heshid in aad khatar u badheedhi kartid 30 jirkaaga iyo 40 jirkaaga.

7-    Ha isku dayin in aad dadka oo dhan wada farxad gelisid, hana ka werwerin waxa dadka kale kaa aaminsanyihiin.

8-    Waxa aad sidoo kale la mid noqotaa celceliska warbaahinta iyo xogaha aad waqtiga ugu badan ku bixisid daawashadooda ama dhageysigooda.

9-   Naxariistu waa lacagla’aan.

10-                       Ha ku mashquulin la kulanka lataliye markasta haddii ayna wax faa’iido ah kuu lahayn. Taa baddelkeeda wax baro adigoo qabanaya shaqooyin xiiso leh.

11-  Raac jidkaaga iyo qorshahaaga kuu gaarka ah, iskana dhaaf 99% talooyinka laguu sheegayo, xitaa tan hadda laguu sheegayo. Wax badan ayaad hore u taqaannay oo ogayd.

 

W/Q: The Dark Mentor 0.2

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

31 May, 2026

Comments

Popular posts from this blog

15 XEER EE NIN RAGEEDKA

Muhiimadda Shaqada

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay