5 Caado oo aad ku dhisi kartid kalsooni badan
Waxa jira habdhaqanno haddii qofku sameeyo uu helayo kalsooni wanaagsan oo la isku hallayn, habdhaqannaas waxa aan ka xusi karnaa shantan qodob:
1- Ilaali ballamaha: In aad ballanta ilaalisaa waa arrin muhiim u ah tixgelinta naftaada iyo tixgelinta bulshadaba, ballan oofintu waa u muhiim xidhiidhka labada qof. Sidaas si la mid ah ilaalinta ballantu axa ay keentaa in kalsoonida labada qof badato.
2- Hadal yar iyo hawl badan: Waa in aad hadalka yaraysaa, waxqabadkana badisaa, taasi waxa ay keentaa in kalsoonida labada qof dhisanto.
3- Jidhkaaga si maalinle ah u tababbar: In aad jidhkaaga si maalinle ah uga warhaysid oo ilaalisaa waxa ay keenaysaa in kalsooni badan aad dhistid.
4- Ku dhac oo same waxyaabaha aad ka baqdid: In waxyaabaha aad ka baqdid ee cabsidu kaa hayso wajahdid oo samaysid waxa ay keenaysaa kalsooni xad dhaafa.
5- Ka fiirso hadalladaada: Waxkasta ha iska odhan, baro xilliga la hadlo iyo sida loo hadlo, in aad ka fiirsatid hadalladaadu waxa ay keenaysaa in aad dhistid kalsooni badan.
Kalsoonida waa la abuuraa, ma aha hadiyad iyo wax iska timaadda.
Comments
Post a Comment