Faallada buugga “ Salaad Baa I Dhaaftay”

  


Hordhac

Buugga “ Salaad Baa I Dhaaftay” waxa qoray Islaam Jamaal. Cinwaan hoosaadkiisu waa ‘ Maxay Dadka Qaarkood u ilaaliyaan Salaadda, kuwa kalana uga tagaan?” Asal ahaan wuxuu ku qornaa luuqadda Af Carabiga. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Maxamed Obsiiye oo ah dhallinyarada ugu cadcad ee Af Soomaali waxku turjunta.

Guud ahaan buuggu wuxuu si wacan u qaadaadhigayaa waxyaabaha keena in dadka qaarkood Salaadaha dhayalsadaan oo ayna xil iskaga saarin, halka kuwa kalana uga tagaan salaaddan, sidaasi si la mid ah sababaha dadka qaar ka mid ahina ay salaadaha uga ilaaliyaan.

Waxa aan isku dayi doonaa waxyaabaha uu ka warramayo inaan si kooban u sheego, nuxurka guudna tilmaamo.

Waa Maxay Nuxurka Buuggu?

 

Qoraagu waxa uu ku bilaabayaa xaaladda qof aan salaadda tukan uu ka werinayo: Waxa aan jeclaa in aan ka mid noqdo kuwa Salaadda tukada. Waxa kale oo aan ogsoonahay marka aan tukado noloshaydu in ay noqonayso mid ay ku ladhantahay liibaan iyo xasillooni. Isla aragtidaas waxa ila qaba dad badan oo aan tukan. Qof ayaa iiga warramay waxa kaliya ee ay noloshiisu la dhutinayso in uu yahay Salaad la’aan. Mid kale ayaa ii sheegay in uu dareensanyahay haddii uu tukado in ay toosnaanayaan waxyaabo badan oo noloshiisa ka mid ahi, balse aanu tukan. Waa arrin yaab leh.

Maxaa sababa salaad la’aanta? Qofraagu wuxuu xusayaa in  uu raadiyay sababa keenay salaad la’aanta isaga oo kor istaagaya sababaha ugu mudan: Wuxuu xusayaa in qofka aan salaadda tukan uu ku dhex noolyahay caalam la yidhaahdo ‘ Maalin uun’ oo ah in qofka aan tukan aaminsanyahay inuu maalin uun tukan doono, qofkaasi wuxuu sugayaa amar samada uga yimaadda. Dadka aan salaadda tukan waxa ay aaminsanyihiin in ay maalin uun tukan doonaan oo noloshoodu hagaagi doono. Waxa intaa dheeri waa n qofku dhayalsanayo salaadda oo berri ama sahadanbe ayaad tukan ayuu isleeyahay. Dhayalsigaas iyo qofka oo suga in inta noloshiisu isku toosaysaa waxa ay keentaa inuu qofku aanu salaadda tukan. Qofku waa maalin leh, wuxuu leeyahay: Rabadaanta soo socota ayaan bilaabi doonaa Salaadda, maalin uun ayay hagaagi doontaa noloshaydu. Maalin uun!

Qoraagu waxa kale oo uu xusayaa in qofku yahay fekradihiisa. Diid ama doon, wadasheekaysiga ka socda maankaagu waa qaabeeyahaaga noloshaada, adiguna waxa aad tahay fekrado isku tagay. Dhammaan hawlaha aad u qabato sida maalinlaha ahi kaliya waa adiga oo fulinaya fekradaha ku xooggan maskaxdaada. Haddaba haddii aad danaynaysid wanaajinta dhinacyada noloshaada waa lamahuraan inaad samaysid fekradaha aad ka haysatid dhan walba oo nolosha ah. Markaa baddel fekradahaaga ku aaddan Salaadda. Ka faa’idayso xasuus ka mid ah xasuusahaagii qurxoonaa ee salaadda, ka dibna ka dhigo xeelad aad ku baddesho hummaaga xun ee ku jira maskaxdaada. Dib u xasuuso maalin aad tukatay salaad khushuuc leh oo xasilloonayd, masjidkuna uu ahaa mid deggan oo bilaa buuqa. Dib u xasuuso dareennadii qalbitaabadka ahaa ee buuxiyay ammintii aad tukanaysay taraawiixda. Markasta oo shaydaanku kuugu sawiro Salaadda shaqo adag, kula halgan naftaada in aad ka saartid hummaagyada sillan, islamaarka u baddelo fekrad togan. Sidaas ayuu qoraagu ku talinayaa.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa in waqtiyada ugu qaalisan ee dunidu ay tahay inta u dhexaysa Eedaanka iyo u kicidda Salaadda. Haddii aad xilligaas Ilaahay wax wayddiisato wuu ku siini, ama waxa laguu sheegi xikmadda laguugu diiday. Waxa yaab leh in dad badani xilliyadan qaaliga ah moogganyihiin oo ayna ogayn. Ma baahantahay? Hor istaag Alle, oo boqorka wayn baahidaada u bandhigo. Baahidaada ka raadso Ilaaha hodanka ah ee iska leh kaydadka cirka iyo dhulka.

Sida qoraagu xusayo waqtiyada Salaadda lagu jiro waxa muhiim ah in khushuucda Salaadda la ilaaliyo, si khushuucda loo ilaaliyana waa in waxyaabo badan la iska ilaaliya sida in la yareeyo dhaqdhaqaajinta gacmaha laga bilaabo xidhashada Salaadda. Macne ahaan waa inuu qofku dhuuxo markasta meesha uu salaadda marayo iyo ficilka uu samaynayo ama hadalka uu odhanayo.

Sida qoraagu xusayo waxa muhiim ah in qofku Salaadd Subax ilaaliyo sida salaadaha kale. Sababta Salaadda Subax carrabka loogu adkaynayaa waxa weeyaan xilliga Salaadda subax la tukado waa xilli dadku intooda badan hurdaan, inta tukataana hurdo ka soo kacday. Markaa xilliga hurdada laga kacayo ayaaba hirdan iyo baraarug gaara u baahan. Qofku xilligaas wuxuu la hirdamayaa hurdadii iyo gogosha, wuxuu iswayddiinayaa salaadda ma u kacdaa iyo hurdada ma iska sii wadataa. Dhab ahaantiina maalmaha hore qofka way ku adkaanaysaa in uu tooso, sababta oo ah waxa jira arrimo aan ku talogal ahayn oo qofka ku khasbaya in aad habeenkii soo jeeddo xilli danbe.  Haddaba si kasta oo dhacda salaadda subax ha ka tegin, u kac.

Sida qoraagu xusayo waxa iyadna wacan in qofku maalintiisa qorsheeyo.  Suurtagal maaha in aad salaadda u ilaaliso habka ugu wanaagsan haddii aad ka mid tahay dadka ku baraaruga eedaanka. Waqtigan waxa aad baraarugaysaa adiga oo dhexda kaga jira xaalad kuu diidaysa in aad tukato salaadda waqtigeeda. Qorshee maalinkaaga iyo hawlahaaga, kana yeel xilli ay xukunto salaaddu, halkii ay iyagu ka hagi lahaayeen. Maaree ballamahaaga, kana dhig waqtiyada u dhexeeya salaadaha.

Waxyaabaha mucjisada ah waxa ka mid ah waysada Salaadda ka hor la waysaysto. Sida qoraaguna xusayo waqtiga waysada isbeddel wayn baa ku dhaca jidhka. Xilliga ay biyaha qabaw taabtaan jidhka sida gacmaha, lugaha, iyo foolka, waxa yaraada dhiigga dhexmaraya xubnahan, waayo heerkulkooda ayaa hoos u dhaca. Haddaba si uu u bato heerkulka heerkulka guud ee jidhku waxa bata dhiigga qulqulaya xubnahan, arrinkaana waxa ka dhasha in ay badato firfircoonida jidhku. Dareenwadayaashani marka ay xidhiidh la sameeyaan xarunta guud ee maamusha jidhka ee maskaxda insaanku wuxuu dareemaa firfircooni dheeraada waysada ka dib, waayo maskaxda ayaa dareemaysa firfircooni.

Waxyaabaha uu qoraagu xusayo ee kale waxa ka mid ah inuu qofku waqtiyada Salaadaha ilaaliyo. Salaadkastaa waqti ayay leedahay, qofku xilliga uu doono ma tukan karo. Waxa jira xilli la tukado iyo xilli aan la tukan. Waa in qofku salaadkasta waqtigeeda tukadaa, oo salaadaha ilaaliyaa.

Waxa innagu muhiim ah in aynu ilaalinno Salaadaha, waa in aynu ku fara adaygna salaadaha. Salaaddu waa falka ugu badan ee ku soo laalaabta qofka muslinka ah noloshiisa, Allana waxa uu ka dhigay agab isbeddel. Salaaddu way soo laalaabataa, xikmadda ka danbaysaana waa in la inna baro dhabar’dayga iyo sugnaanta. Ujeeddada laga leeyahay waa sidii loo hirgelin lahaa yoolka ugu qaalisan sooyaalka Iinsaanka oo ah fidinta Islaamka.

Gebagebo

Buugga ‘ Salaad Baa I Dhaaftay” wuxuu ka warramayaa mawduuc xiiso leh. Weliba waxa cajiib ah qaabka uu dhigayo sheekooyinka iyo mawduucyada. Wuxuu ka hadlayaa mawduuc dhammaanteen inna wada khuseeya oo muhiim ah, waa Salaadda. Salaaddu qofkasta gaarkiisa ayay ugu waajibtay.

Salaadda aynu ilaalinno, waqtigeeda aynu tukanno, khushuunka aynu ku tukanno.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere ‘

Julaay 28, 2023

 


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?