Posts

Taariikhda Sh. Maxammad Cumar Dirir

Image
   Hordhac Sh. Maxammad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.  Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.  Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah:  1-       Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).  2-       Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada). 3-     Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).  4-       Dacw...

Sidee werwerka la iskaga ilaaliyaa/daweeyaa?

Image
   1-      Badi akhrinta Quraanka Quraanku waa dawo. Wuxuu dawo ka yahay cudurkasta iyo xanuunkasta oo qofka ku dhaca. Alle wayne wuxuu Suuratu Isra ku yidhi “ Quraanka waxa aan usoo dejinnay inuu Muslimiinta u yahay dawo, hanuun iyo naxariis…” Werwerku wuxuu ka midyahay xanuunnada nafsiga ah ee qofka maskaxdiisa ku dhaca, waxyaabaha dejiya ee qofka ka baabbiiyana waxa ka mid ah Quraanka.   2-    Badi adkaarta, sida Tasbiixda, taxmiidda, takbiirta Waxyaabaha qofka werwerka iyo walbahaarka ka ka ilaaliya waxa ka mid ah adkaarta noocyadeeda kala duwan sida Tasbiixda ( Subxaan Allah), Taxmiidda ( Alxamdulillaah), iyo Takbiirta ( Allahu Akbar). 3-    Dheh ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah’ Dawooyinka la tijaabiyay ee qofka dejiya, werwerka iyo walbahaarkana ka ilaaliya waxa ka mid ah inuu qofku ku celceliyo oo markasta afka ku hayo ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah.’ Waa kuu muhiim adkaartani. Tijaabi oo dhawr jeer ku celceli....

Milicsigayga Sannadkii 2023 ( My Annual Review In 2023)

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2023 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyah...