Posts

Sookoobidda iyo Falanqeynta buugga Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?”

Image
Hordhac Buuggan Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaa badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ugu caansan buugga ‘ Rich Dad and Poor Dad.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ’ iyo ‘ The Businness of 21 st   Century.’ Buuggu wuxuu ka koobanyahay afar qaybood oo baaxad wayn. Waxa soo hoosgala cutub ahaan 18 Cutub. Bog ahaan waa 248 bog. Gudaha Buugga Judha hore ee hordhaca wuxuu qoraagu wax ka taabanayaa sababta ugu weyn ee ardeyda ‘ A’ keentaa ugu shaqeeyaan ardeyda ‘ C’ keenta. Wuxuu ku doodayaa marka koowaad in ard...

Milicsigayga Sannadkii 2019 ( My Year in Review)

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Aniga oo taa ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkaa dhammaatay ee 2019ka inaan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,   iyo IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxbaan akhriyaa. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado...