Posts

Showing posts from 2019

Safarkeygii Garoowe

Image
Aroor hore ayaan Garoowe u baxay. Waa Bisha 9aad 18keedii. Burco oo aan maalmo joogay ayaan ka baxay. Dhul aan yarayn ayaan sii maray oo maalin dhan sii socday. Nasiibxumo markii aannu waxooggaa soconnay, annaga oo weli socodki nagu cusubyahay ayuu gaadhigii naga xumaaday! Taayirka danbe hoostiisa ayaa gubatay oo qiiq sii daysay. Deegaanka Anuunlay ayuu nagaga xumaaday. Muddo 2 saacadood ah ayaannu u xannibnayn gaadhiga, markii la hagaajin kari waayay, waxa ay noqotay in gaadhi kale Burco laga soo diro. Intii yarayd ee koobnayd ee aannu Anuunlay joognay waxyaabo badan ayaan arkay. Carruur aan badnayn ayaa tuulada joogtay, carruurtaa waxaa naloo sheegay inayna waxba baran, oo deegaanka aannu ku oollin wax Dugsi ahi! Runtii aad baan ug uurxumaaday. In aynna weli waxbarasho deegaanka ka jirin waxa aad ku garanaysaa bulshada meesha ku nool. Annaga oo taagan halkii baabuurku nagaga xumaaday agteeda, oo maqaaxi ahayd, ayuu nin Odey ahi na soo maray. Wiil yar oo aan sii waynayn ayuu

Safarkeygii Magaalada iyo Buurta Sheekh

Image
Muddo kooban ayaan Berbera joogay. Kulayl hanfi wata ayay lahayd. Waa 10kii bisha 9aad, 2019. Xilli galab ah ayaan aniga iyo Abwaan Cabdinaasir Afrika ka baxnay magaalada Berbera, waxa aan u sii jeednaa magaalada Sheekh, si aannu quruxda deegaanka iyo qabawga dhulka ugu nasannoo oo waxoogaa ku qaadanno deegaankaa dabiiciga ah ee quruxdu aroostay. Xilli fiid ah ayaannu Sheekh galnay. Sheekh waa magaalo aad u quruxbadan, waxaa ku yaalla Buuro dhaadheer oo bilicsan oo ah kuwa magaalada loogu magacdaray. Magaca sheekh, asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa Wadaad loogu abtiriyo, se lama hubo. Dadka deegaanku laba buurood oo magaalada hareeraheega ku kalayaal ayay laba war ka kala sheegaan. Deegaankaasi wuu cagaarnaa oo aad buu u qurxoonaa. Waliba indhaha waxa aad u soo jiidanaysay buurta Sheekh iyo agagaarkeega. Laamayda buurta dhex martaa ashqaraar ayay lahayd, oo qaab wacan ayay u dhisantahay, si wacanna way u leexleexataa oo baabuurku markuu marayo aad baad u caashaqaysaa qaabkeeda iyo

Safarkeygii Burco

Image
Hadda Burco ayaan galay, waa xilli duhur ku dhawaad ah. Magaaladu iska buuq bay ahayd, oo waa maalin shaqo. Semtenber 11, 2019kii maalin Arabaco ah weeyi. Magaaaladu si guud kulayl way lahayd, se boodh ma lahayn. Magaaladu meel kulayl ah ayay dhacdaa asalkaba. Buuro malaha oo bannaan ayay ku taallaa. Roob badan may lahayn, sida la ii sheegayna aad uma roob badna. Maalintaa waxa bilaabmay Bandhigga buugaagta Burco, oo aan ku casuumnaa. Burco way koraysaa, oo dhismayaal badan ayaa ku soo kordhaya. Haddii aad magaalada koornaheega marto dhismayaal badan oo socda ayaad indhaha la halacsanaysaa. Inta badanna magaaladu hareeraha ayay ka kobcaysaa oo ka fidaysaa. Badhtamaha iyo suuqana way ka socotaa, oo waxa ii muuqanayay guryo la dumiyay oo fooqaq laga taagayo. Aad bay Burco u kordhaysaa. Dhinaca waddooyinka magaaladu ma xuma, aadna uma wacna. Waddooyin way leedahay, se waxa ay u badanyihiin kuwo aan la dayactirin, oo inta badan sidii lagu sameeyay lagu illaaway. Marka laga yi

1 Decade of my Education! (2009-2019)

Image
                      Introduction I will write small piece about 10years I have been studying something, what changed me ( as myself)? And what I studied for last ten years. The article enforces the side of my education, not other angles in my life. Other side about my LIFE in COUNTRYSIDE I will write another independent articles. But this is the situation I have been in last 10 years being studying, and How I was been before 10 years (2009-2019). Only. A Brief Reflection I was born in a very hard place, and live was very hard. I didn’t born Hospital or like other like it, so I didn’t know exactly the day and month I was born. Originally, I am from nomadic family.   They keep different livestock, and we planting different farms within different villages. As family we look after the livestock, and planting farms. We have well-experience in that career- Livestock and farms. I grew   such like nomadic son. I grew-up the environment and society doesn’t know well the educat

Sookoobidda buugga ‘ Luuqadda Doodda ~ The Language of Argument.’

Image
Hordhac Buuggan innoo daaran waxa ladhkiisa la yidhaa ‘ The Language of Argument’ oo Af Soomaali haddii aynnu soo dhawaynno ku noqonaya ‘ Afka Doodda ama Luuqadda Doodda.’ Waxa aynnu garawsannahay in mawduuckastaa uu leeyahay af gaar ah oo lagu hadlo, oo uu baadisooc ahaan u leeyahay. Tusaale ahaan, siyaasaddu af gaar ah ayay leedahay. Dhaqaaluhu af gaar ayuu leeyahay. Sharcigu af gaar ah ayuu leeyahay. Beeruhu af gaar ayay leeyihiin. Markaa waa gar in doodduna af gaar ah lahaato. Waxa qoray, oo ku mitiday laba qoraa oo kala qalin duwanaa. Midi wuxuu ahaa Daniel McDonald, oo noolaa intii u dhexaysay (Julaay 30, 1960kii – Febraayo 15, 2007dii) oo Filinmetele iyo qoraa ahaa. Da’ yaraan ayuu ku geeriyooday oo isaga oo 46 sano jira ayuu wedku u yimid. Wuu dhintay. Laba carruura ayuu adduunka korkiisa ku macasalaameeyay. Qoraaga kale ee la qoray waa Larry W. Burton  oo ah   qoraa buugaag kaladuwan oo mawdduuca xidhiidh la leh qoray. Si guud buuggu wuxuu ka koobanyahay