Posts

Showing posts from 2020

Faallaynta Buugga “ Hayaankaygii Rumaynta”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Hayaankaygii Rumaynta”, oo asal ahaantii ku qornaa Luuqadda Carabiga waxaa qoray Dr. Mustafe Maxammuud. Waxaa Af Soomali u turjumay Aadan Khadar Cali ( Aadan-Sahan), oo ah wiil dhallinyaro oo Yuutuubar ah, oo leh Janal la yidhaa ‘ Sahanka Xogaha’ oo waxyaabo kalageddisan ku soo gudbiya. Waxaa daabacaday Madbacadda Dawaad, oo ah madbacad hadda saaxadda firfircooni la soo gashay oo daabacda buugaagta kalageddisan. Qoraaga buuggu waa Mustafe. Mustafe, waxa uu ahaa aqoonyahan, dhakhtar, qoraa, iyo suugaandhaadhi. Waxa uu u dhashay Dalka Masar. Waxa uu ka baxay kulliyadda caafimaadka, isaga oo ku takhasusay qalliinka maskaxda iyo neerfaha. Mustafe buugaag kaladuwan oo qiyaas ahaan gaadhaya 89 buug. Buugtaasi waxa ay ka kala hadlayaan laamaha kaladuwan ee aqoonta sida Diinta, Falsafadda, aqoonta Bulshada, siyaasadda, iyo kuwa la xidhiidha sheekafaneedda, masraxiyadda, sheekaxariirada, sheekooyinka safarrada, IWM. Muddo badan ayuu Allediid ahaa Mustafe, oo

Sh. Khaliil Al Xusari: Qaarigii Codka Macaanaa

Image
  Sh. Maxammuud Khaliil Al Xusari, waxa uu ahaa Qaari wayn oo Quraanka Alle ku luuqeeya. Cod ashqaraar leh, deggan, macaan, oo dhegaha u roon ayuu Quraanka ku akhriyaa. Sh. Khaliil, waxa uu dhashay sannadkii 1917kii; sannadkii 1980kii ayuu isaga oo safar ah ku dhintay Dalka Kuwayd. Geeridiisii waxaa laga joogaa 40 sannadood. Afartankaas sannadood ee uu sii mootanaa codkiisii ayaa Muslimiinta la joogay, oo la dhegaystaa. Caalamka Islaamku Sheekha codkiisa aad ayay u yaqaannaan, una dhegaystaan. Asal ahaan wax uu u dhashay dalka Masar. Ka Soomaali ahaanna, kaalin wayn ayuu ugu jiraa, oo codkiisa meelkasta ka daaran. Sheekhu, waxaa la sheegaa inuu Quraanka afar jir ku bilaabay, oo ku barbaaray. Wuxuuna Quraanka ku xifdiyay Da’ ahaan markii uu ahaa 11 sano jir. Wuxuu wax ka bartay Masaajid ku yaalla magaalada Dandaa ee dalka Masar. Markii danbe waxa uu ku biiray Jaamacadda Al Azhar, oo uu ka galay kulliyadda Quraanka, wuxuuna bartay 10ka qaab ee Quraanka loo akhriyo ( Qiraa’o). Marki

Sannadguuradii 1aad ee Xogkorodhsi: Qiimayn Guud

Image
  Hordhac Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way anfacanayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, oo soo jeediya.   Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan ku qiimeeyo muddadaa Sannadka ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan Xogkorodhsi. Waa Maxay Xogkorodhsi? Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo, sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan. Waana barnaamij toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo Af Soomaaliga. M

Sookoobidda Buugga “ The 7 Habits of Highly Effective People”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “The 7 Habits of Highly Effective People~ 7 caado ee ay Leeyihiin Dadka ugu Firfircoon/hawlqabadka wanaagsan” waxa qoray Stephen Richards Covey. Steven, waxa uu ahaa aqoonyahan, qoraa iyo ganacsade reer Maraykan ah. Waxa uu ahaa aqoonyahan muddo badan waxbaranayay. Waxa uu shahaadada sare ku qaatay Barashada Diimaha. Waxa uu wax ka bartay Jaamado waaweyn sida Jaamacadda Utah, Jaamacadda Harvard, iyo Jaamadda Brigham Young.   Shaqooyinka uu qabtay waxa ka mid ahaa Lataliye ayuu noqday, maamulana wuu ahaa, qoraa wax qora, muddo badanna waxa uu ahaa Bare Sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalkiisa ugu waaweyn. Buugaag kaladuwan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ahaa ‘  First Things First .” Iyo buugga kale ee la yidhaa “Principle-Centered Leadership.” Qoraagu waxa uu dhintay sannadkii 2012kii. Buugga waxaa la daabacay sannadkii 1989kii.   Buuggu waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan, waxaa laga iibiyay wax ka badan 25Milyan

Sookoobidda buugga “How to Win Friends and Influence People ~Sideed saaxiibbo u kasban kartaa, dadkana u saamayn kartaa?”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ How to Win Friends and Influence People ~ Sideed saaxiibbo u yeelan kartaa, dadkana u saamayn kartaa?” waxa qoray Dale Carnegie. Dale Carnegie, waxa uu ahaa qoraa, macallin, dhiirrigeliye, iyo aqoonyahan culuumta horumarinta bini’aadanka ku xeeldheer. Waa qoraa qoray buugaag kale, oo ka mid ah kuwa ugu iibsiga badan, looguna jecelyahay caalamka. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “   How to Stop Worrying and Start Living .” Iyo “ Art of Public Speaking” oo uu qoray sannadkii 1915kii. Kan maanta innoo qalanna waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu saamaynta badan, waxa lo turjumay 36 luuqadood. Kolkii ugu horreysay waxa la daabacay   1936-1937kii. Buuggani waxa uu ka koobanyahay 205 bog. Wuxuuna qoraagu ka dhigay 6 qaybood. Waxa uu kaga warramayaa dadka la dhaqanka, sida dadka loo kasbado, ee saamayn loogu yeesho. Si kooban ayaynu u dulmari. Markii hore qoraagu cashir kooban oo uu fasal ka jeediyo ayuu ugu talagalay. Diyaarintiisii