Posts

Showing posts from 2025

Milicsigayga Sannadkan 2025 ( My Annual Review In 2025)

Image
Hordhac Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2025ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2025 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo ma...

Qorshahaaga sannadkii tagay 2025 maxaa kaaga hirgalay?

Image
   Hordhac Waxa dhammaanaya sannad, waxaana bilaabmay. Sidaas darted waa muhiim inuu qofku iswayddiiyo: Qorshayaashii aad hiigsanaysay sannadkan 2025ka maxaa kaaga hirgalay? Maxaa kaa qabyoobay? Maxaad fursado heshay sannadkii tagay? Maxaa caqabado ah ee kaa horyimid? Qorshahagii maxaa hirgalay? Qofkastaa wuxuu lahaa qorshayaal iyo riyooyin uu rabay inuu gaadho sannadkan dhammaanaya, adiga maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii? Maxaa kaaga hirgalay qorshihii dhinaca dhaqaale samaynta? Maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii dhinaca waxbarashada iyo aqoonta? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii dhinaca waxkorodhsiga iyo aqoonta guud? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii la xidhiidhay dhinaca shaqada iyo xirfadaha? Qorshayaashaadii maxaa qabyoobay? Marar badan ma dhacayaan in aad gaadhid waxkasta oo aad ku hammidid, marmar waxa imanaya gidaarro iyo caqabado kaa hor imanaya oo u baahan xal iyo taxliilin. Iswayddii maxaa qorshayaashaadii ka qabyoobay? Ma qaar ka mid ah ayaa qaby...

Maxaad ka baratay sannadkan sii dhammaanaya 2025ka?

Image
  Hordhac Waxa maalmo kooban innaga xigaan dhammaadka sannadkan 2025ka. Waxa innoo dhammaaday sannad ka koobnaa 12 bilood, 52 toddobaad, 365 maalmood iyo 8,760 saacadood. Waa waqti aad u badan. Waqtiga intaas leegi wuxuu mudanyahay in laga faa’idaysto oo qofku waqtiga maalgashado. Waqtiga sifooyinkiisa uu la gaarka yahay waxa ka mid ah in marka uu tago aan dib loo soo celin karin ama xilli kale aan la helayn. Waqtigu xilliga uu joogo ayaa laga faa’idaysan karaa ama la dayaci karaa. Sannadkan 2025ka Sannadka 2025 wuxuu ahaa mid xambaarsan  casharro, waayo-aragnimo, iyo isbeddel nololeed .  Sida sannad kasta oo dhammaanaya, 2025 wuxuu innoo reebay xusuus farxad leh iyo kuwo caqabad ahaa, kuwaas oo dhammaantood qayb ka noqday korriimadeenna shakhsiyadeed iyo bulsho. Intii uu socday sannadkan, dad badan waxay wajahayeen  tijaabooyin ad’adag , halka kuwo kalena ay gaadheen  guulo ay muddo soo ku taamayeen.  Waxbarashada, shaqada, iyo nolosha guud ahaan, 2025 wux...