Posts

Showing posts from 2025

5 Caado oo aad ku dhisi kartid kalsooni badan

Image
Waxa jira habdhaqanno haddii qofku sameeyo uu helayo kalsooni wanaagsan oo la isku hallayn, habdhaqannaas waxa aan ka xusi karnaa shantan qodob: 1-       Ilaali ballamaha: In aad ballanta ilaalisaa waa arrin muhiim u ah tixgelinta naftaada iyo tixgelinta bulshadaba, ballan oofintu waa u muhiim xidhiidhka labada qof. Sidaas si la mid ah ilaalinta ballantu axa ay keentaa in kalsoonida labada qof badato. 2-     Hadal yar iyo hawl badan: Waa in aad hadalka yaraysaa, waxqabadkana badisaa, taasi waxa ay keentaa in kalsoonida labada qof dhisanto. 3-     Jidhkaaga si maalinle ah u tababbar: In aad jidhkaaga si maalinle ah uga warhaysid oo ilaalisaa waxa ay keenaysaa in kalsooni badan aad dhistid. 4-     Ku dhac oo same waxyaabaha aad ka baqdid: In waxyaabaha aad ka baqdid ee cabsidu kaa hayso wajahdid oo samaysid waxa ay keenaysaa kalsooni xad dhaafa. 5-      Ka fiirso hadalladaada: Waxkasta ha iska odhan,...

4 Talo ee ay tahay in aad iska indhatirtid

Image
  1- Waxyaabaha wanaagsan waxa hela dadka suga: Sugid aan ficil wadan waxba laguma helo, tusaale ahaan qof shaqaale ah ayaa muddo 40 sano ah hal goob ka shaqaynayay, illaa haddana wuu ka shaqeeyaa, oo wuxuu sugayaa isbeddel iyo horumar. Goorma ayuu isbeddel u iman karaa? Waxa suurtagala inuu siduu u sugayo waqtigu ka dhaco. Mid ogsoonoow keliya sugitaan waxba laguma helo, meelna laguma gaadho. 2- Waqtiga ayaa keena soo kabashada iyo bogsashada: Sax maaha, haddii ay dhabtahay Dhakhaatiirtu may jireen. Bogsashadu waxa ay u baahantahay ficil iyo waxqabad. 3- Haddii aad si adag u shaqaysid, waxkasta waad gaadhi: Shaqo adag keliya meel laguma gaadho- haddii aad shaqada adag lagu lammaanayn xariifnimo iyo ilbaxnimo. Hawsha badan waxa ay u baahantahay in caqli, qorshe iyo macquulnimo lagu daro, se hawsha badan kelideed ma keento natiijo wayn. 4- Qalbigaaga ku soco: In aad qalbigaaga la socotid markasta ma aha mid ku badbaadinaysa, taas cagsigeeda markasta ku soco maskaxdaada. Turjumid: Ca...

Asxabigii la La jarjaray/Googooyay!

Image
  Kumannaan dad ah ayaa meel barxad ah iskugu soo baxay oo soo dareeray. Goobtu waa meesha la yidhaahdo Tanciim oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay. Sababta la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Binu Caddi oo ka mid ahaa Asxaabtii Nebi Muxammad. Kumannaanka qof ee goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir. Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaan la toogan ka hor. Hadalkiisii degganaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaas uu tukanayay waxa eegayay Saciid Binu Caamir, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.” Khubayb wuxuu fiiriyay madaxdii qoomka oo isaga soo eegaya oo indhahoodii ku soo maqanyahay, markaasuu yidhi: “ Wallaahi haddii aydaan u malaynayn in aan Salaadda u dheeraynayo cabsi aan geerida ka cabsa...

Turjumaadda buuga ‘ The Rules of Wealth `Xeerarka Hodannimada.’

Image
    Muddo 3 sano ah ka dib waxa ii dhammaaday turjumaadda buugan qiimaha leh ee ‘ The Rules of Wealth `Xeerarka Hodannimada.’ Waa buug ka mid ah buugta suuqa iibka buugaagta ugu iibka badan ( Best Selling Books.’ Buuga waxa qoray qoraa wayn oo arrimahan hanti samaynta aad ugu xeel dheer, waqti badanna ka hadlayay, waa qoraa Richard Templar oo ahaa qoraa iyo tifaftire Ingiriiska u dhashay. Richard Templar waxa ay ahayd magaca qalinka ee qoraaga, se magaciisa caadiga ahi wuxuu ahaa Richard Craze. Richard, wuxuu dhashay sannadkii 1950kii, wuxuuna geeriyooday sannadkii 2006dii. Sannadkii 2022kii ayaan shaqadiisa iyo turjumaaddiisa bilaabay, sannadkan 2025 waan tifaftiray oo hawshiisa dhammeeyay. Waxa laga yaabaa in aad iswayddiinayso 3 sano sidee 1 buug loo turjumi karaa? Waa gartaa, ujeeddadayda ayaa ahayd inkasta oo ay igu qaadato in aan bulshada u soo kordhiyo oo horkeeno buug macno leh oo cashir iyo xog laga qaadan karo. Mid ogoow, markasta oo waqtiga hawsha lagu qabanayaa d...

Talooyin ay Waajibtahay gabadh kastaa inay ogaato guurkeeda ka hor

Image
  1- Lama helo nin dhinac kasta ka dhisan dhammaystiran. 2- Raggu waa sida carruurta oo kale, adna u noqo sida hooyadii oo kale. 3- Ninkaaga si wanaagsan u dhegayso, si deggana ugu sheekee. 4- Weligaa ninkaaga ha la tartamin. 5- Weligaa ha isku dayin in aad ninkaaga isku dhererisid oo la sinnaatid. 6- Si degdega ninkaaga u raalligeli marka aad ogaatid in aad adigu qaldantahay. 7- In badan isaga ha ka masayrin, waayo taasi waxa ay u fiicantahay degganaanta maskaxdaada. 8- Muhiim maaha in aad Moobilkiisa baadhid ama eeg eegtid. 9- Markasta ninkaaga runta u sheeg. 10- Markaad meel fog tagaysid adiga oo aan u sheegin ninkaaga guriga ha ka bixin. 11- Ogoow cuntooyinka uu ninkaagu jecelyahay, ugu yaraan toddobaadkiina laba mar u diyaari cuntadaas- haddii dhaqaaluhu idiin saamaxo. 12- Adiga iyo ninkaagu si wadajira u dejiya Miisaaniyaddiina dhaqaale. 13- Ninkaaga u noqo gabadh latalisa, se ha noqon mid naqdida. 14- Ha illaawin in afadu caawiye u tahay oo taageerto ninkeeda. 15- Baro oo og...

Ganacsatadii ugu Hantida Badnayd Dunida

Image
  Sannadkii 1929kii, Koox ka mid ah hormuudka ugu waaweyn, iyo ganacsatada ugu hodansan ayaa kulan iskugu yimid Hudheelka Xeebta ku yaal Edgewater, ee magaalada Chicago. Ragga kulanka joogay waxa ka mid ahaa: 1-       Charles Schwab, oo ahaa madaxa shirkadda ugu way nee soo saarta Birta. 2-      Samuel Insull, oo ahaa madaxa shirkad ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee adeegyada bixiya. 3-      Howard Hopson, oo ahaa madax Shirkadda ugu way nee Gaaska iibisa. 4-     Ivar Kreuger, oo ahaa madaxa shirkadda International Match Co. 5-      Leon Frazier, oo ahaa madaxii shirkadihii waqtigaa ugu waaweynaa, wuxuunna madax ka ahaa “Bank of International Settlements.” 6-     Richard Whitney, oo ahaa madaxii “New York Stock Exchange.” 7-      Arthur Cotton iyo Jesse Livermore, laba dillaal oo waawayn oo alaabta dillaala ayay ahaayeen. 8-     Albert Fa...

Dhiirrigelinta Hooyada

Image
  Addison oo yar ayaa gurigoodii ku laabtay. Hooyadii ayuu ku yidhi: " Waraaqaddan Maammulka Dugsiga ayaa iisoo dhiibay." Way oyday markii ay akhriyaysay waraaqadda oo ilin ayaa ka qubatay. Inankeeda waxa ay ugu akhriday, kuna tidhi [waxa waraaqadda ku qoran]: " Inankaagu wuu caqlibadanyahay, Dugsiguna wuu ku koobanyahay, markaa waa inaad xaafadda ugu dhigtaa!" Sannado ayaa ka soo wareegay. Addison Hooyadiina way dhimatay. Isna wuxuu noqday hal'abuure weyn oo sooyaalka Bini'aadanka wax ku soo kordhiya. Maalin isaga oo baadhbaadhaya Kaydkii ama Khasnaddii Hooyadii ayaa wuxuu arkay waraaqad ay ku qorantahay: " Inankaagu waa doqon, maanta laga bilaabo yuuna Dugsiga naga soo gelin!" Addison, saacado badan ayuu ooyayay! Dabadeed wuxuu xasuusqorkiisii ku qoray: " Addison wuxuu ahaa doqon, balse hooyadiisa cajiibka ahayd daraaddeed wuxuu noqday nin caqli badan." Turjumid:  Sandheere  

Muhiimadda Shaqada

Image
  Xalay waxa aan isku lug darnay oo wada lugaynay wiil muruqmaala oo suuqa ka shaqaysta. Dusha ayaan iska garanaynay oo dhawr jeer oo hore ayaan ganacsigiisa wax ka iibsaday. Marka hore waxa aan ku ogaa alaabaha yaryar sida Tusbaxyada, shiraabaaddada, Jaajarrada… ayuu suuqa la wareegi jiray. Markaas ayaan bartay. Waayadan ayaan waayay oo aanan arkin. Si guud baan isku xaal waraysanay, wuxuuna ii sheegay inuu hadda alaabihii yaryaraa joojiyay, meel bakhaarana alaabta u guro oo Kaaryoone ku shaqaysto. Masha Allah. Wan bogaadiyay. Wiilku wuxuu marhore ii sheegay inuu xaafaddooda biiliyo, oo isaga ay ku xidhantahay. Masha Allah. Intaaba uma socon, wiilkuna wuu xoogsanayaa, mashquulna uma baahnee cashir baan ka rabaa inaan ka dhiraandhiriyo: 1- Shaqadu waa haybad: Qofku markuu shaqaysto ayuu wax helaa, haddii aanu waxba qaban cidna inay wax siiso xaq uguma laha. 2- Si kastoo duruftu u adagtahay inuu qofku shaqeeyaa way caawisaa nafsad ahaan, dareen ahaan iyo nolol ahaan ba. 3- Waa inuun...

4 ta Marxaladood ee Hodannimadu marto

Image
   1- Degganaan Dhaqaale  Xasilloonida dhaqaaluhu waa marka qofku iskii iskugu filabyahay, ee aanu waxyaabaha aasaaska ah iyo baahidiisa cidna u baahnayn. Sidoo kale, waa qofka oo aan wax dayna lagu lahayn ama aan dayn gelin. Dhinaca kale, waa qof ku filan oo bixiya biilasha cidkasta oo ku xidhan.Dhinaca kale, waa qof wax kaydsada oo dakhliga soo gala markuu kharashka ka bixiyo wax uga soo hadhaan.  2-   Istaraatijiyad  Dhaqaale  Waa marka qofku sameeyo maalgelin, ee waxyaabo badan maalgashado. Si kooban waa marka qofka lacagtiisu u shaqayso.  3- Xasillooni Dhaqaale Waa qofku marka uu lacagtiisa ku raaxaysto, waa marka qofku cunto fiican cuno, dalxiis sameeyo ee socdaalo waawayn galo.  4- Xorriyad Dhaqaale Marxaladdan qofka lacagtu lama wayna, sida uu doono ayuu samaynayaa. Cabdirisaaq Sandheere 16 July, 2025

Calaamadaha lagu garto guriga ay ku dhacday ama hayso Isha ama xasadku

Image
  1- Guriga oo bilaa degganaan iyo xasillooni la'aan noqda, raaxaduna ku yaraato. Sidoo kale, in guriga dhexdiisa la isku qabsado oo hadal iyo dhibaato ka timaaddo arrimo yaryar oo aan macno wayn lahayn. 2- Waxa isbeddel ku imanayaa qaabkii iyo hannaankii ay u wada hadli jireen lammaanuhu iyo in ay ku heshiin waayaa arrimo badan oo isku khilaafaan.  3- In ay bataan dhibaatooyinka iyo khilaafka ka dhex jira qaybaha kala duwan ee qoysku.  4- In markasta qofku dareemo culays iyo murugo iyo farxad la'aan.  5- In qofku dareemi waayo farxad ama badhaadhe- iyada oo uu haysto dhammaan waxyaabihii keenayay/sababayay farxadda iyo badhaadhuhu.  6- In xubnaha kala duwan ee qoysku kala fogaadaan oo ay jecelyihiin in ayna wada hadal oo sheekaysan. Waana calaamad sheegaysa in il jirto.  7- In qoysku aanu maalinta oo dhan dareemin wax raaxo ama nasasho ah- oo ay dareemayaan murugo, quus iyo han jab.  8- In qoyska qaar ka mid ah ay ku dhacaan xanuuno degdeg ah sida mad...

Qofka aad noqon doontid 5 sano ka dib waxa ay ku xidhantahay waxyaabahan:

Image
  1- Cuntada aad cuntid.  2-  Buugta aad akhridid. 3- Cinwaannada aad la socotid ee Follow garaysid.  4- Warbaahinta aad ku taxantahay.  5- Khibradaha aad heshid.  6- Asxaabta aad la fadhiisatid.  7-  Shaqooyinka aad qabatid. \ 8- Lacagta aad maalgashatid.  9- Deegaanka aad ku sugantahay.  10- Caadooyinka aad leedahay ee ku ilaalisid.  11- Hadafyada aad dejisid.  12- Aaminaada aad leedahay.  13- Nafhurka aad samaysid 

Talooyin Muhiima oo Khuseeya Qofka akhriska ku cusub

Image
   1- Akhri waxa aad jeceshay, ha akhriyin waxa uun waxa laguu ammaano ee lagu yidhaahdo waa muhiim akhriskiisu, akhri mawaadiicda aad xiisayso sida  jacaylka, Falsafadda, taariikhda, horumarinta  2- Ku bilow akhriska buugta fudud, ha ku bilaabin buugta waawayn ee culculus.  3- Samayso hadafyo yaryar. 4- Naftaada ha dhibin, maalintii akhri 10 bog ama hal cutub.  5- Si joogto ah wax u akhri, se si badan ama wayn ha u akhriyin. 6- Dooro waqti ku habboon sida aroorta hore ama hurdada ka hor, sidoo kale dooro meel ku habboon.  7- Qor waxyaabaha aad ka heshid: Diiwaangeli waxa ku xiiso geliya sida fekrado ku soo jiita ama waxyaabo aad dareentid inay muhiim yihiin akhriska ka dib.  8- Ha werwerin haddii aanad waxa aad akhriyaysid wada fahmin markaas, waxa dhismaya luuqaddaada iyo fahankaaga- muhiimaddu waa joogtaynta.  9- Kala saar buugta sheekooyinka ama khiyaaliga ah iyo buugta aan sheekooyinka ahayn: Buugta sheekooyinku waxa ay ballaadhinayaan m...

Faa'idooyin laga qaadan karo buuga ' Ilme wax Akhriya' ee Dr Cabdikariin Bakaar.

Image
    - Ilmaha oo loo diido in ay ku daydo waxyaabaha ku hareeraysan waa qayb ka mid ah agoonnimadooda nafsadeed. - Ardayga aan waxba akhriyin, kama duwana qofka aan waxba akhriyi karin. -  Akhrinta buugta tayada leh macnaheedu waxa weeyi adiga oo la kulmay dad xula oo waqti hore ama waaya hore noolaa.  -Ilmaha marka la nuujinayo wuxuu u baahanyahay: Caano, xanaanaynta hooyada iyo in loo sheekeeyo.  - Aqoontu waa sidii ruux la noolaynayo camal, ma aha walxo la koobiyaynayo.  -Dadka wax hal'abuuraa intooda badan yaraantoodii waxa ay ahaayeen akhristayaal wanaagsan.  - Dal laguma tirin karo inuu ka midyahay waddamada horumaray haddii uu lacagta cuntada uu ku bixiyaa ay ka badantahay lacagta uu buugta ku bixiyay. - Barakada Akhriska waxa ka mid ah in ay qofka ku baraarujiso inuu jeclaado inuu wax qoro.  - Buugu marka uu yaallo khaanadda ( Shelf) waa sidii wax dhintay/mayd oo kale, waxa ay noloshu u bilaabantaa marka uu galo gacanta akhristaha. - Buug k...