Mucjisinnimada Quraanka
- Malaku Jibriil oo Quraanka soo dejiyay wuxuu noqday Malagii ugu fadliga badnaa Malaa’igta.
- Nebi Muxamed oo Quraanka lagu soo dejiyay wuxuu noqday qofka ugu fadliga badan dadka.
- Quraanka oo loo soo dejiyay Ummadda Nebi Muxammed waxa ay noqotay ummadda ugu khayrka badan ummadaha.
- Bisha Ramadaan oo Quraanka la soo dejiyay waxa ay noqotay bisha ugu fadliga ama khayrka badan bilaha.
- Habeenka Laylatul Qadarka oo Quraanka la soo dejiyay wuxuu noqday habeen fadli badan oo ka khayr badan kun bilood.
Bal ka warran haddii Quraanku degi lahaa qalbiyadeenna? Allow Quraanka qalbiyadayada ku sug.
Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment