Posts

Showing posts from 2023

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Image
  Hordhac   Buuggan waxa la yidhaahda “ Furaha Ganacsiga”, cinwaanhoosaadkiisuna waa ‘ Bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga.’ Waxa qoray Dhaqaalayahan Siciid Cali Shire. Sacad, waa aqoonyahan ku takhasusay culuumta ganacsiga, hoggaaminta, iyo bangiyada Islaamka. Wuxuu ka soo shaqeeyay xarumo aqoon, cilmibaadhis iyo latalina oo ku kala yaalla daafaha dunida. Siciid, waa guddoomiyaha shirkadda Buuh Consulting, oo ah shirkad 10kii sano ee la soo dhaafay ka shaqaynaysay horumarinta xarumaha cilmiga, hay’adaha khayriga ah iyo ganacsiga Soomaalida. Dhinaca kale, Siciid waa qoraa buugaag kala duwan qoray, kaliya buuggan uu ma qorine buug kale ayuu qoray, buugta uu qoray waxa aan ka xusi karnaa: Bangiyada Islaamka, oo uu qoray sannadkii 2014kii, iyo buugga la yidhaahdo ‘ Sidee loo noqdaa Hoggaamiye Isbeddel Horseeda’ oo uu soo saaray sannadkii 2014kii. Iyo buugga la yidhaahdo ‘ Dawladnimo’ oo uu saaray sannadkii 2016kii. Buuggan ‘Furaha Ganacsiga’ dhawr daabacadood buu u same

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

Image
  Hordhac   Buuggan la yidhaahdo ‘100 Mashruuc iyo Mashruuc’ waxa qoray Xamse Xabiib Xuseen, oo ah Wadaad arrimaha dhaqaalaha inta badan ka hadla, sidoo kalana ah dhiirrigeliye iyo tababbare cashirro bixiya. Wuxuu soo saaray badhtamihii sannadkan sii galbanaya ee 2023ka. Waxa lagu soo bandhigay Caasimadda Hargaysa, gaar ahaan Hotelka Maansoor. Wuxuu ka koobanyahay   4 Cutub, oo ballaadhan, weliba qaybo ayuu u sii qaybinayaa marmar qoraagu. Bog ahaan wuxuu ka koobanyahay 200 bog oo waraaqadda A5 ka ah. Marka hore waan bogaadinayaa qoraaga, wuxuu wax ka qoray mawduuc ay yartahay in dadka Soomaaliyeed wax ka qoraan, ama qoraalkiisa iyo ka hadalkiisuba yaryahay ; taas qoraaga waan ku bogaadinayaa. Buugu guud ahaantii wuxuu ka warramayaa waxa loo yaqaanno ‘ Horumarinta Dhaqaalaha Shakhsiga ah.’    Ka akhriste ahaan, waxa aan isku dayi doonaa inaan sheego wixii aan kala kulmay, iyo sida aan u arko baaxadda buugu leegyahay ee mawduuca uu falanqaynayo. Nuxurka Buugga Cutubka 1a

XOG SIRDOON

Image
  Qofkan la yidhaahdo ‘ Basaasku’, caalamku hal maalin kama maarmin; waa na xirfad. Dhulka waxaa ka jira loollan iyo dagaallo u dhexeeya dadka. Maadaama dagaallo iyo loollan jiro waxaa lagamamaarmaan ah in la helo basaasiin, oo halkaas ayay ka soo bidhaamaysaa doorka basaasiintu. Maskaxda basaasiintuna waa kuwo tababbaran, waxayna leeyihiin shakhsiyad jaadgooni ah oo suurtagelisa inay guuleystaan oo ay wax isku miisaamaan, iyo inay guuldarrooyinka u baddelaan guulo. Tan iyo intii ay taariikhdu jirtay ee ay soo ifbaxday, dumarku awood wayn ayay ku lahaayeen caalamka sirdoonka. Dadku markii horaba waxa ay ku baraarugeen awoodda dumarku ku keliyoobeen ee ay gaarka ku yihiin, si gaar ah majaalkan, iyo hubka ay dumarku ku hubaysanyihiin ee aan laga salgaadhin, waxyaabaaas waxa ka mid ah: oohinta, dabacsanaanta, iyo sida ay u adagtahay in sirta laga helo oo laga gungaadho… Waxa taariikhda lagu xusay tobannaan ka mid ah basaasiintii doorka ugu wayn iyo qaybta laxaadka leh ka soo qaatay loolla

Xulashada Lammaanaha

Image
Gabadha Diinta lihi dhibcaha qiimaynta ay haysataa waa 1. Haddii gabadhu qurux leedahay waxa ay ku darsanaysaa 0 waa na 10. Haddii ay xoolo leedahay waxa ay ku sii darsanaysaa 0 kale, waana 100. Haddii ay qoys caana ka soo jeedo oo nasaba waxay ku darsanaysaa 0 kale, waana 1000. Haddiigabadhu ayna Diin lahayn oo 1 jirin waxa soo hadhaya 0, eberna waa waxba la’aan. Gabadha aan Diinta lahayn waa sidaasoo kale. Waa xaqiiqo la soo weriyo, ma garanayo cidda saxda ah ee qaacidadaa ku fadhiisisay Sharraxaadda Xadiiskii Nebi Muxammed ee ahaa “ Gabadha waxa lagu doortaa afar shay: Diinteeda, hantideeda, quruxdeeda, iyo nasabkeeda…”

XOG kaa QARSOON: SIRDOON

Image
Raggu intooda badan waxa ay leeyihiin nugayl badan, oo way quwadjabaan marka ay dheddigu soo hor istaagaan oo daciifnimo badan ayay yeeshaan; waxaana soo baxda meelaha uu ninku daciifka ka yahay ee god daloolooyinka ka leeyahay. Waxaa suurtagal ah in taariikhdu arrintaas ka maragkacayso oo iyadu markhaati u tahay. Sheekooyinka Daliila, Istiir iyo Saaluumi ayaa tusaale innoo noqon kara. Waxa aynu si wayn u arki doonaa sida xeesha dheer ee gabadha quruxda badan u saamayso ninka— ninkuna wuxuu diyaar u noqdaa oo u diyaargaroobaa inuu gabadhaas daraaddeed waxkasta u sameeyo. Sidaas darteed ayaynu aragnaa in hay’adaha Sirdoonku ay shaqaalahooda ka mamnuucaan jaceylka. Waxayna doorbidaan in shaqaalahoodu ay ahaadaan kuwo hore u guursaday oo qoysas leh. U jeeddada ay sidaa u samaynayaan waa iyaga oo ka hortagaya in qalad uu ku dhaco Sargaalka u shaqaynaya oo jaceyl haleelo—Sargaalkaas marka uu jaceylku ku dhacana shaqada ayuu dayacayaa oo wuxuu aad u tixgelinayaa jaceylkiisa. Waxaa jirt

Barbaarinta Carruurta/Ubadka

Image
   Galab dhawayd baan markii Casar laga baxay Masaajidka waxyar fadhiistay, oo Quraanka akhri is idhi. Oday wayn iyo wiil yar oo uu dhalay baa soo galay. Markii odaygu soo galay ba kii yaraa buu ku qaylyay isaga oo leh ' Ha fadhiisane akhri.' Mii yaraa baa sunnaystay, odaygu muu sunnaysane intii ka yari tukanayay Masaajidkuu dhex socsocday. Markii kii yaraa tukaday buu xagga hore fadhiiso yidhi. Wuxuu u siday Kitaab iyo Qalinka la dul dhigo ee mrka kitaabka Quraanka la saaro akhriya. Kii yaraa halkii buu fadhiistay, kitaabkii buu soo kala bixiyay. Odaygii baa u mari isyidhi, ka diba wuu akhriyay odaygii, kii yaraana wuu ka daba akhriyay, se wuu qalday, haddana odaygii baa ku celiyay aayaddii, kii yaraana wuu qalday markale. Odaygii dhirbaaxo ayuu qaaday, oo ka yar ku dhuftay, inta uu iska xanaaqsiiyay ayuu isaga oo sii kacaya yidhi: " Car sii jilcin waa waxyohow, waan baxayaa oo waan soo noqonayaaye..." Inta uu kacay buu kabihii oo agyaallay sii qaatay. Kii yaraan baa

Faallada buugga “ Salaad Baa I Dhaaftay”

Image
   Hordhac Buugga “ Salaad Baa I Dhaaftay” waxa qoray Islaam Jamaal. Cinwaan hoosaadkiisu waa ‘ Maxay Dadka Qaarkood u ilaaliyaan Salaadda, kuwa kalana uga tagaan?” Asal ahaan wuxuu ku qornaa luuqadda Af Carabiga. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Maxamed Obsiiye oo ah dhallinyarada ugu cadcad ee Af Soomaali waxku turjunta. Guud ahaan buuggu wuxuu si wacan u qaadaadhigayaa waxyaabaha keena in dadka qaarkood Salaadaha dhayalsadaan oo ayna xil iskaga saarin, halka kuwa kalana uga tagaan salaaddan, sidaasi si la mid ah sababaha dadka qaar ka mid ahina ay salaadaha uga ilaaliyaan. Waxa aan isku dayi doonaa waxyaabaha uu ka warramayo inaan si kooban u sheego, nuxurka guudna tilmaamo. Waa Maxay Nuxurka Buuggu?   Qoraagu waxa uu ku bilaabayaa xaaladda qof aan salaadda tukan uu ka werinayo: Waxa aan jeclaa in aan ka mid noqdo kuwa Salaadda tukada. Waxa kale oo aan ogsoonahay marka aan tukado noloshaydu in ay noqonayso mid ay ku ladhantahay liibaan iyo xasillooni. Isla aragtidaas waxa il

Talo ku socota qofkasta oo SHAQAALE AH

Image
  1- Guri hore u dhiso. Meel uun guri ka dhiso, Miyi ama Magaalo. In aad guri dhisatid marka aad jirtid da’da Kontomeeyadu maaha horumar. Ha ku noolaan guryaha dawladda. Waayo, waa raaxo khatar leh. 2- Muhiimadda koowaad sii qoyskaaga, shaqadana noloshaada ha ku dhex milin. Waayo, shaqada aad ka shaqaysid adigu tiir uma tihid, haddii aad dhimatid ama ka tagtid ba si degdega ayaa loo soo buuxinayaa booskaagii, shaqadiina way sii soconaysaa. 3-Iska ilaali in aad cid ku xamatid xafiiska ama goobta shaqada. Iska ilaali waxyaabaha kharribaya magacaaga ama sharaftaada. Ha ku biirin kooxaha dabadhilifka u ah maamulka shaqada iyo asxaabta aad wadashaqaysaan. Ka fogoow isku imaansho kasta oo taban   oo dadku ajandayaashooda dhexmarsanayaan. 4- Hala tartamin maamulahaaga shaqada, waayo faraha ayaad ka guban doontaa. Ha la tartamin oo ha isbarbardhigin asxaabta aad wada shaqaysaan, waayo maskaxdaada ayay saamayn. 5- Samayso ganacsi aad waqti ka shaqaysid. Waayo, mushaharkaagu ma wada da

From Shaqo Eris to Milyaneer Bangi Furtay!

Image
Titus Kiondo Muya:  Ka Dib Markii Dallacaad Loo Diiday Bangi buu Aasaasay!    Aasaasaha Bangiga Family Bank oo mid ah Bangiyada ugu waawayn dalka Kenya fekradda uu bangiga ku yagleeyay waxa ay ahayd mid  xiiso leh. Waxa aasaasay mudane Titus Kioneo Miyu, sannadkii 1984kii.  Wuxuu hirgelinta fekradda aasaaska la yimid ka dib markii loo diiday shirkaddii uu ka shaqaynayay inuu DALLACO, sababta loogu diidday dallacaaddana waxa lagu sababeeyay in uuna Shahaadada koowaad ee Jaamacadda haysan ( Degree).  Bangigu wuxuu hanti ahaan u leeyahay 130 Milyan oo Doollar. Sannado badan buu calanka u siday dalka Kenya oo uu ahaa bangiga Kenya ugu wanaagsan. Bangigu wuxuu shaqo abuur u yahay oo ka shaqeeya dad ka badan 1,500 qof.  Fekraddu waxa ay ku dhalatay ka dib markii uu Jaraa'id Caalamiya oo ganacsiga ka warrama ka akhriyay maqaal aqooneed ku saabsan ganacsiga, waqtigaas uu maqaalka akhriyay waxa ay ahayd sannadkii 1961kii, da'diisuna waxa ay ahayd 18 sano jir. Maqaalkaas ayaa dhiirrigeli

Faallada Buugga “Mind Management Not Time Management ~ Maaraynta maskaxda, maaha maaraynta Waqtiga.”

Image
    Buuggan waxa qoray qoraa David Kadavy oo ah qoraa wax ka qora arrimaha inta badan la xidhiidha maskaxda, waqtiga IWM. Buuggan waxa uu kaga warramayaa muhiimadda ay leedahay in maskaxda la maamulo oo la xakameeyaa. Wuxuuna qoraagu ku doodayaa in maskaxda oo la maamulaa ay ka muhiimsantahay in waqtiga la maareeyaa.   Si kooban ayaan u dulmari doonaa nuxurka guud ee buugga.   Dhawrkan qodob ayaan ka faa’idaysan karnaa: 1-  In aad noqotid qof waxsoosaar badan leh maanta, uma baahna waqtiga oo aad maaraysid, balse waxa ay u baahantahay in aad maskaxda xakamaysid  oo maaraysid. 2-  Maaraynta waqtig wu   waxa ay keentaa in si waxtar leh l ooga faa’idaysto  waqtiga , balse in maskaxda la maareeyaa waxa ay keentaa ama sababtaa in in si fiican looga faa’idaysto tamarta iyo hala’abuurka qofka ku duugan. 3-   Saacadaha oo dhami ma keenaan wax isku mid ah, tusaale ahaan haddii aad maalintii hal saac wax qortid, muddo sannad ah buug baad ku qori kartaa. Balse, hal mar  365 saacadood  si fudud  w