Ka faa’idayso sannadka cusub 2026
Hordhac Waxa innoo bilaabmay sannad cusub. Waa waqti cusub iyo waayo cusub oo u baahan in laga faa’idaysto, waxna qofku iska wayddiiyo sidii uu fursaddaas cusub uga faa’idaysan lahaa. Waxa jira dad badan oo aan gaadhin sannadkan, way kula joogeen sannadkii hore ee 2025ka, balse maanta ma noola oo way innaga hooseeyaan, wayna dhinteen. Fursad wayn ayaad haysataa oo aad dadkaas kaga duwantahay, waana in aad nooshahay. Waxa jira dad badan sariir saaran ama dhakhtar ku jira, dadkaas oo aan awoodin in ay kacaan ama wax qabsadaan. Adigu in aad caafimaad qabtid oo aad socotid waa fursad aad haysatid iyo jaanis wayn. Waxa jira dad xabsi iyo jeel ku jira oo aan albaabka dhaafi karin, dadkaasi oo aan haysan xorriyad iyo madaxbannaani midna. Balse, taa cagsigeeda adigu waxa aad haysataa xorriyad iyo madaxbannaani dhammaystiran oo ma jirto cid ku haysata ama kuu diidaysa in aad hawlahaaga qabsatid. Sideed uga faa’idaysanaysaa? Maadaama aad sannadkan nolol dhammaystiran ku gaadhay, dhakhtarna aanad...