Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 1aad

 

Qaybta 1aad



“Aroornimadii bishii Juun 14keedii sannadkii 2002dii Warbaahinta Al Jazeera wxa ay u diyargaroobaysay warsaxaafadeedkii ugu waynaa markii uu Yusri Fawda soo galay dhismaha ay ku lahayd Dooxa,  isaga oo sita buuggiisii xasuusqorka iyo siro badan oo uu rabay inuu faafiyo. Canjaladaha lagula ballamay inuu kula kulmo madaxda Al Qaacida waqtigaas waqti ka danbeeyay ayay soo gaadheen. Balse, waxa uu dareensanaa in ay gaadhay xilligii ay madaxdiisii shaqadu arrintan ogaan lahaayeen.”[1]

Weedhahaasi maaha aniga kuwaygii. Waxa yidhi oo ay hadalkiisii yihiin Wariyaha iyo qoraaga wayn ee Reer Maraykan Mudane Roon Saaskiinda (Ron Suskind), oo ah mudane ku guuleystay abaalmarinta ugu wayn wariyannimada dalka Maraykanka. Waa nin ka agdhaw isbeddelka arrimaha siyaasadda iyo amniga Waashitoon. Markii aan indhaha ku dhuftay sadarrada ku xardhan buuggiisa ‘The One Percent Doctrine ~مبدا الواحد في المئة~Aragtida Boqolkiiba hal” labadayda indhood argaggax iyo danayn ayay la ballaadheen; buuggaasi oo sheegaya xogo uu soo helay sida ay leeyihiin xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA). Xogahaasi waxa ay ahaayeen kuwo aniga si gaar ah ii khuseeya, waa mid ka mid ah xogaha ugu muhiimsan noloshayda.

Waayaha ayaa iga dhigay aniga oo aan rabin in aan qayb ka ahaado qiso wayn—aniga oo ilaalinaya anshaxa xirfadeed. Afar iyo konton maalmood ayaan iska joogay aniga oo aan cidna u warramin; halka sirdoonka Maraykanka iyo Sirdoonka Caalamka oo dhanna ay shirqoollo isku maleegayeen.

Balse, waxa aan ahaa nin isdhuldhig badan. Aniga oo iskaga sugan dhibirsanaan dadnimo waxa aan garanayay in wixii aan soo arkay uu ahaa uun dhan keli ah, oo ay lagama maarmaan tahay in sheekadu ay leedahay dhinacyo kale oo badan, oo weliba qarsoon, sida ‘Sheekadu waxa ay tahay? Astaamaheeda? Iyo cidda ay yihiin jilayaasheedu?’ Dhammaantood waxa ay ahaayeen wayddiimo la filayay, balse hadda aan halkan lagaga hadlayn.

Waxyar ka hor waxa aan ka soo noqday qirashadii ugu horraysay ee toos ah ee Ururka Al Qaacida  afkooda ka sheegeen maskaxdii ka danbaysay hawlgalkii Sarihii Mataanaha, iyo sharrax dhammaystiran oo ay ka bixiyeen qaabkii ay u dhacday dhacdadii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar)… Taasi waa qayb faahfaahinta ka mid ah oo aynu si fudud runnimadeeda ku xaqiijin karno.

Maxaad samayn lahayd haddii aad halkayga joogi lahayd? Waxa aan ka soo baxay mid ka mid ah guryaha ilaalada adag ee ay Al Qaacido ku leedahay magaalada Karaaji ee dalka Baakistaan. Boorsadayda waxaa ku jiray qirashooyinkii Madaxii Waaxda Millateriga ee Ururka Al Qaacida Khaalid Sheekh Maxammed, iyo Ramsi Binu Shayba oo ahaa xidhiidhiyihii iyo iskuxidhihii guud ee hawgalkii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar). Maraykanku meelkasta waa uu joogay Afgaanistaan iyo Baakistaan ba. Al Qaacida waa ay dhuumaalaysanayeen oo waxa ay  u dhuumaalaysanayeen si ayna hore ugu dhuumaalaysan. Ma jirin qof ka mid ah warbaahinta Al Jazeera iyo cid kale toona oo ogaa halka aan ku suganahay ee aan joogo, iyo cidda aan la kulmay midna. Usaama Bin Laadin  iyo Ayman Ad Dawaahiri waxa ay ku dhuumanayaan dhufaysyo dhulka hoostiisa ah, adduunkii oo dhanna jahawareer ayaa haysta oo way ku raadjoogaan. Aniga oo iska miskiin ah na waxa boorsadayda ku jira macluumaad ama xogo u dhigma 50 Milyan oo Doollar.[2]

 Maxaad samayn lahayd haddii aad halkayga oo kale joogi lahayd? Qunsuliyadda Maraykanka ee Karaaji tallaabooyin ayay ii jirtaa. Ma waxa aan  sugaa inta aan Landhan ku noqonayo, oo ah halkii aan degganaa? Mise waxa aan la xidhiidhaa qof jooga Waashitoon… 50 Milyan oo Doollar aa?! Xataa haddii Maraykanku uu ahaa mid bakheyl ah oo aan bixinayn ama I siinayn wax ka badan 10 Milyan ama Shan Malyan ba baahi uma qabeen in aan mardanbe ama intaas wixii ka danbeeya shaqeeyo ama hawl danbaba qabto. Miyayna sidaas ahayn?... Waxa se hadda fudud in qofku dib u fadhiisto oo arrintan gorfeeyo waa sida aan qabo saddex iyo toban sano ka dib e. Balse, anigu arrinkaa waan garanayay, sidoo kale waxa aan garanayay in ay hortayda yaallaan caqabado. Caqabadaasi oo ay ugu muhiimsanayd in aan naftayda ka adkaado, xataa aniga oo og xilliga aan sidaa samaynayo in la igu tuhmi doono inaan u tudhayo argagixiso saddex bilood ka hor hal mar dishay saddex kun oo qof.

Xaqiiqada arrintu agtayda waxa ay ahayd, ahaanna doontaa mid si fudud u cad, in aanan maalinna u bixin dagaal ba’an oo aan ku u gaadhsanayo Al Qaacida; intaas ka dib si aan xaq ugu yeesho qaniimada. Xaqiiqadu waxa ay tahay inay iyagu yihiin kuwii ila soo xidhiidhay, waana kuwii martiqaadka ii fidiyay, waana isla kuwii doorasho madaxbannaan I siiyay. Sidaas darteed, marka laga yimaaddo wixii aan ka aaminsanaa ama ay adduunweynaha ku sameeyeen, yeelitaanka aan yeelay baaqooda iyo martiqaadkoodu, keli ah waxa uu ahaa in aan marti u noqdo aniga oo ah wariye xirfadle ah.

Wax ay yidhaahdaan way hayeen, aniguna waxa aan hayay wayddiimo aannu dhammaantayo warcelin  u raadinaynay. Iyada oo arrintu sidaasi ah Alle ayaan ku mahadinayaa inuuna keliya igu caawin caqabadda igaga hortimid mabda’ayga, balse awood ii siiyay inaan iska caabbiyo caqabadkasta oo iga hortimaad.

 

La soco qaybta 2aad.



[1] Ron Suskind, The One Percent Doctrine: Deep Inside Americas Pursuit of its Enemies Since 9/11, Simon & Schuster, 2006, P 138. 

[2]  Xafiiska dabagalka ee Federaalku wuxuu markii horaba baahiyay in qofka soo xerageliya ama qabta Khaalid Sh. Maxammed uu ku abaalmarin doono lacag gaadhaysa Shan Milyan oo Doollar. Dabadeed, wuxuu ku kordhiyay 25. Sidaa si la mid ah ayaa lagu sameeyay Ramsi Binu Shayba oo  isaguna la raaddinayay oo la rabay in caddaaladda la horkeeno, Jarmalka.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?